Ereyga Maanta: maneysi
jaleefan (bot.) Geed qodxeed cadaadda la bah ah, quulle iyo xabagcad oo la cuno leh.
jaleelo (bot.) Geedgaab aan qodax lahayn oo caleentiisa daawo ahaan loo isticmaalo.
jalfi 1. Wax socda lugaha isugu marid. 2. Balfi; dalfi.
jalfin eeg jalfi. ld jalfis.
jalfis ld jalfin.
jali Ilmo caano u diidid.
jalid eeg jal².
jaliilad Nooc ka mid ah bumbooyinka waaweyn ee diyaaraduhu tuuraan.
jalin eeg jali. ld jalis.
jalis ld jalin.
jallaad (1) 1. Kutub Quraanka oo dhami ku qoranyahay. 2. (-dyo, m.dh) Toddobada subac ee quraanku ka koobanyahay midkood. 3. (-dyo, m.dh) Jildi korka kaga dahaaran kutub. ld jillaad¹.
jallaad (2) Kitaab jildi ku dahaarid. ld jillaad².
jallaadan (1) Kutub wax jildi la geliyey noqosho. ld jillaadan¹.
jallaadan (2) Kutub wax jildi la geliyey ahaansho. ld jillaadan².
jallaadasho eeg jallaado. ld jillaadad, jillaadasho.
jallaaddee Kitaab quraan jalaadyo u qaybin.
jallaaddeyn eeg jallaadee.
jallaadeysan Wax jallaadyo loo qeybshey ahaansho.
jallaadeysnaan eeg jallaadeysan. ld jallaadeysnaansho.
jallaadeysnaansho ld jallaadeysnaan.
jallaadid eeg jallaad². ld jillaadid.
jallaadmid eeg jallaadan¹. ld jillaadmid.
jallaadnaan eeg jallaadan². ld jallaadnaansho, jillaadnaan, jillaad-naansho.
jallaadnaansho ld jallaadnaan.
jallaado Kitaab iwm jallaad u samaysasho ld jillaado.
jallaaf Cid socota si ay u kufto lug u dhigid. ld jallaafee, jillaaf, jillaafee.
jallaafee ld jallaaf.
jallaafeyn ld jallaafid.
jallaafid eeg jallaaf. ld jallaafayn, jillaafayn, jillaafid.
jallaafo Wax loo dhigo qof socda si uu u dhaco. ld jillaafo.
<< < 820 821 822 823 824 825 826 827 828 829 830 > >>

