Ereyga Maanta: kaahin
jihayn ld jahayn.
jihays ld jahayn.
jihaysad ld jahaysasho.
jihaysan ld jahaysan.
jihaysasho ld jahaysasho.
jihaysi ld jahaysasho.
jihaysii ld jahaysii.
jihaysiin ld jahaysiin.
jihaysnaan ld jahaysnaan.
jihaysnaansho ld jahaysnaan.
jihayso ld jahayso.
jihee ld jahee.
jiheeye Aalad muujisa jahooyinka; diirad.
jiho (1) ld jaho¹.
jiho (2) ld jaho².
jiib 1. Hoorinta iyo isla qaadidda heesaha cayaaraha. 2. Cayaar gaar ah.
jiibe Marxaladda shilintu ka baxdo qaniinnimada.
jiibi Jiib tirin.
jiibin eeg jiibi.
jiic (jiic, m.dh) (bot.) Geed abaareed dhirta dhaadheer ka mid ah oo aan qodax lahayn qoryahiisana wax lagu shito.
jiid 1. Wax si xoog leh u soo dhufasho. 2. Dun aliindi oo la midabeeyey ama qoyan si loo qallajiyo kala bixin.
jiid-kubbadeed (xis.) Qaybta dul ee kubbad oo ku soohdimaysan laba sallax oo barbarro ah. Joogga jiid waa fogaanta u dhexaysa sallaxyo. Sallaxyada barbarrada ah waxa ay kubbadda ka gooyaan laba goobo oo ah salalka jiidka. Jiidka hal sal waxa uu sammeysmaa marka mid ka mid ah sallaxyada barbarrada ah uu yahay taabtaha kubbadda.
jiidad ld jiidasho.
jiidan (1) Wax la jiidey noqosho.
jiidan (2) Wax la jiidey ahaansho.
jiidasho eeg jiido. ld jiidad.
jiidda-dhexe (c.fal.) Loolalka dhexe, waa jiidda u dhaxaysa jiidda kulul iyo jiidda barafadeed; kubbad-badhka woqooyi waxay u dhaxaysa kulaalaha woqooyi iyo goobaha artig, kubbad-badhka koonfureedna waxay u dhaxaysaa kulaalaha koonfureed iyo goobaha antaqartic. Qorraxdu waligeed ma duljoogsato, laakiin kaaheedu wuu ku kala gedisanyahay jihooyinka, markaa waxa jirta xilliyo diirimaad iyo qabow ama xagaa iyo deyr.
jiide 1. Bir ama xarig laba wax layskula xiro si ay isu jiidaan. 2. Foolasha yaryar ee hoose oo xaya-waanka.
jiidid eeg jiid. ld jiidis.
jiidis ld jiidid.
<< < 839 840 841 842 843 844 845 846 847 848 849 > >>