Ereyga Maanta: dhiifoonaan
miidaansanaansho ld miidaansanaan.
miidayn eeg miidee.
miiddan Wax culays weyn leh ahaansho.
miiddanaan eeg miiddan. ld miiddanaansho.
miiddanaansho ld miiddanaan.
miidee Malab, subag iwm miirid.
miidoobid eeg miidow.
miidow Miid noqosho (hoore layiig ah).
miig (1) Nooc ka mid ah dayaaradaha dagaalka oo lagu sameeyo dalka Ruushka.
miig (2) Xarig, dun iwm giijin.
miigasho eeg miigo².
miige 1. Qori ama bir af dhuuban oo dhulbeereedka lagu mudmudo si abuurka loogu rido. 2. Kar bir ah oo khudraddo iwm lagu shiido. ld miigo¹.
miigee Qof gamcihiisa iyo lugihiisa dib isugu xirid.
miigeyn eeg miigee.
miigeysan 1. Wax miige lagu mudmuday ahaansho (dhul-beereed). 2. Qof la miigeeyey ahaansho.
miigeysnaan eeg miigeysan. ld miigeysnaansho.
miigeysnaansho ld miigeysnaan.
miiggan Qof, adadag, wanaag, geesinnimo iwm kulansaday ahaansho.
miigganaan eeg miiggan. ld miigganaansho.
miigganaansho ld miigganaan.
miigid eeg miig².
miigo (1) ld miige.
miigo (2) Ku m.: wax ku margasho.
miiji 1. Nafley si xoog leh ceego ugu dhegid. 2. Xab biyo ka buuxaan afka ka xirid.
miijin eeg miiji. ld miijis.
miijis 1. Suuq aan sharciyeysnayn. 2. ld miijin.
miijisan Nafley wax cunaha la qabtay ahaansho.
miijisnaan eeg miijisan. ld miijisnaansho.
miijisnaansho ld miijisnaan.
miil 1. Labada madax oo markabka ama doonta midkood. 2. Hilibka la siiyo deriska marka la shiraysto. 3. Hilib dhinacyada geela laga gooyo. 4. ld mayl.
<< < 81 82 83 84 85 86 87 88 89 90 91 > >>