Ereyga Maanta: geedeysnaansho
jisaddarro Abaaldarro.
jisadkaddare ld jisakaddare.
jisakaddare Abaalkii loo galay, wax xun ku guda (qof); qfkii wanaag u gala, ka abaaldhaca. ld jisadkaddare.
jiscimasho ld jicsimasho.
jiscimaysan Wax jiscin leh ahaansho (wadaan).
jiscimaysnaan eeg jiscimaysan. ld jiscimaysnaansho.
jiscimaysnaansho ld jiscimaysnaan.
jiscimee Wadaan jiscin u yeelid.
jiscimid eeg jiscin².
jiscimo ld jicsimo.
jiscin (1) 1. ld jicsin. Cuntada loo qaato safar ama socdaal; Sahay. 2. (-mo, m.dh) Xargaha wadaanta siddada looga dhigo midkood.
jiscin (2) Cunto safar ama socdaal loo qaato cid siin.
jiso Abaal marinta uu ka mutaysto qof fal uu sameeyey. ld jisad.
jisyad ld jisyo.
jisyo Canshuur muslinku ka qaadi jirey dadka ehelu kitaabka ah sida Kirishtaanka iyo Yuhuudda. ld jisyad.
jitaabi Wax imtaxaanid. ld tijaabi.
jitaabin eeg jitaabi. ld jitaabis, jitaabo, tijaabin, tijaabo.
jitaabis ld jitaabin.
jitaabo ld jitaabin.
jito Caano baq noqday.
jix ld kix.
jixi U j.: dibi, dibi kale guulid.
jixin eeg jixi.
jixinjix (1) 1. Naxariis; raxmad. 2. ld jixinjixid.
jixinjix (2) U j.: cid naxariis u yeelasho.
jixinjixid eeg jixinjix². ld jixinjix¹ (2).
jiyoofisiko Barashada dariiqadaha fisikeed ee la xiriira dhismaha dhulka. Barashadaasi waa mid la xiriirta oogada dhulka, gibilka, iyo biyooleyda.
jocor 1. Subagga ka baxa caanaha geela. 2. Bocor; halcun; cudh.
johor (1) Dibi ama orgi fil weyn oo caato ah.
johor (2) Wasaq, jilif iwm oo ay yeelato oogada dadka. ld joxor.
<< < 853 854 855 856 857 858 859 860 861 862 863 > >>