guddoonsasho eeg guddoonso. ld guddoonsad, guddoonsi.
guddoonshe ld guddoomiye.
guddoonsi ld guddoonsasho.
guddoonsii Cid wax u dhiibid.
guddoonsiin eeg guddoonsii.
guddoonso Arrin go'aan ka qaadasho.
gudgude Roob habeen da'a oo dhaqso dhul weyn maaruqa.
gudguduud 1. Midab, midab guduud ahi meela dhowra kaga jiro. 2. Waabberi.
gudid eeg gud². ld gudaal, gudmo (2), gudniin.
gudimmo ld godin (1).
gudin ld godin (1).
gudmo 1. Waddo yar. 2. ld gudid.
gudnaan eeg gudan. ld gudnaansho.
gudnaansho ld gudnaan.
gudniin ld gudid.
gudniinka-ragga (daaw.) Buuryada wiilasha oo la gooyo sida badan waxa loo sameeyaa sabab diimeed ama caado, laakiin mararka qaarkood daweyn ayuu noqdaa.
gudo1 Wax mug leh dhexdiisa. gudo2 1. Waajib oofin. 2. Wax cid lagu lahaa ama laga tirsanayey ka goosasho. 3. Caruur buuryo ka goyn. gudo-noqod-dhan (fiis.) Marka fallaadh ilays kaga dhacdo dusha dhextaal cufnaan obtikaad yar, xagal abbaar ka weyn xagal qirinqiirka, halkii ay uga gudbi lahayd dhextaalka cufnaanta yar ayay dib ugu soo noqotaa dhextaalka cufnaanta badan.
gudo-unug (baay.) Unugga dhexdiisa, tusaale ahaan: waxqabadka insaymada badankoodu waxay ka dhacaan unugyada dhexdooda.
gudoodi 1. Habeen gudihiis. 2. Guure; socod habeen.
gudow Xaflad la sameeyo marka carruurta la gudayo.
gudub1 1. Hab cayaarta waalada loo dheelo oo laba qof si isweydaar ah gacmaha isu dhaafsadaan. 2. Babac. 3. ld gudbid. gudub2 1. (f.g) Wax dhaafid. 2. (f.mg) Ku g.: wax dhexdooda wax kale ku goyn. gudur 1. Hilib jiir ah oo adag. 2. ld guduri. Nooc gorgorka ka mid ah oo leh qoor diiran iyo midab madow.
guduri ld gudur (2).
guduud Midab dhiigga u eg.
guduudan Wax midab guduud ah leh ahaansho.
guduudane Bahal bisadda u eg kase weyn oo midab guduudan leh oo ariga cuna.
guduudasho eeg guduudo².
page : 87 of 102
<< < 82 83 84 85 86 87 88 89 90 91 92 > >>