Ereyga Maanta: jeeraarin
jufis Beer masaar caws kaga falid.
jufo 1. Bir dhuuban oo gadaal uga jirta samayada waranka. 2. Bir goobaaban oo bakooradaha salka laga geliyo.
jug 1. (sh.r) Nabar, ay waxa gammuuxani geystaan. 2. (sh.r) Wax qarxay ama si xoog leh meel ugu dhacay, sanqadhooda. 3. J. ah: haad fas badan laga hayo (turub).
jugee 1. ld jukee. 2. Turub iyadoo la muujinayo in haad fas badan laga haayo bad ku dhufasho.
jugeyn eeg jugee. ld jugeys, jukeyn, jukeys.
jugeys ld jugeyn.
jugeysad ld jugeysasho.
jugeysasho eeg jugeyso. ld jugeysad, jugeysi, jukeysad, jukeysasho, jukeysi.
jugeysi ld jugeysasho.
jugeyso 1. Dhar la dhaqay baaf iwm gudihiisa ku garaacasho ama ku xafuujisasho. 2. Haad turub oo fas badan laga hayo degasho (ciyaar turub) ld jukeyso.
jugley (bot.) Shimbir weyn oo ay goroyada isku bahyihiin, oo aan duullimaad dheer samayn karin.
jugleyn (daaw.) Hirar cadaadis ah oo is daba joog ah oo dhex maraya halbowle waxaana keenay iskuroorka hannaansan ee muruqa qolka bidix ee wadnaha, sidaas darteed waxay u dhigmaan xawliga garaaca wadnaha inta goor uu wadnuhu (garaaco/daqiiqaddiiba) waxa si sahal ah looga dareemi karaa halbowlayaasha meel soke ku yaal, sida halbowlaha kalka dibadeed ee tagoogta (radial artery) ama halbowlaha luqunta (karotid artery).
jugux Cod la maqlayo marka wax la laqayo.
jujuub (1) ld jajuub¹.
jujuub (2) ld jajuub².
jujuubid ld jajuubid.
jukee 1. ld jugee (1). Si isdabajoog ah wax u tumid 2. Dhar la dhaqayo baaf iwm gudihiisa ku garaacid ama ku xafuujin.
jukeyn eeg jukee. ld jugeyn.
jukeys ld jugeyn.
jukeysad ld jugeysasho.
jukeysasho ld jugeysasho.
jukeysi ld jugeysasho.
jukeyso ld jugeyso.
julul (1) Gardarro; Gaboodfal.
julul (2) Gardarro cid ku samayn.
jululid eeg julul².
jumbur J. ah: qof ama xoolo bar yar.
jumlad ld jimlo.
jumlee ld jimlee.
jumleyn ld jimleyn.
<< < 857 858 859 860 861 862 863 864 865 866 867 > >>