gugac1 ld guguc¹. gugac2 ld guguc². gugcid eeg guguc².
guggumme Balal godadka duddumooginka gala oo addimo leh. ld gungume.
guggundhaw Koor hal carrab leh oo jalaqda ka weyn boodaantana ka yar oo geela loo xiro.
gugub Cunto yar oo weelka lagu karinayo salkiisa ku dhegta; gubnood.
guguc1 Onkod. ld gugac¹. guguc2 Onkod sameyn. ld gugac². gugunto Guunto; orgeysguur.
guguntoo Neef dheddig oo tabsan abaahi waayid.
guguntood eeg guguntoo.
guhaad 1. Baxaalli; dabci. 2. Caro, xanaaq.
guhaadi 1. Qof ka caraysiin. 2. Qof guubaabin.
guhaadin eeg guhaadi. ld guhaadis.
guhaadis ld guhaadin.
guho 1. Foolxumo. 2. Laabad; goolad.
gujee Gujo ku dhufasho (candho xoolaad). ld guji.
gujeyn eeg gujee. ld gujeys, gujin, gujis (2).
gujeys ld gujeyn.
gujeysad ld gujeysasho.
gujeysasho eeg gujeyso. ld gujeysad, gujeysi.
gujeysi Guro awr hoosin u yeelasho. ld gujeysasho.
gujeyso 1. Neef caano yar, caano ka raadsasho. 2. Candho maran caano ka raadsasho.
guji ld gujee.
gujin ld gujeyn.
gujis 1. Markab dagaal oo quusa. 2. ld gujeyn.
gujo Gacanta oo duuban oo xoog loogu dhufto candho neef irmaan si loo maalo.
gulaal1 1. G. ah: awr aan doobbada soo ridi karin; gorayciil; doobbogoray. 2. G. ah: nin aan codkar ahayn. 3. ld gulaalid. gulaal2 Qodax, nabar iwm neef geel ah addin ka iimayn. gulaalan1 1. Wax doobbo ka soo dhici weyday noqosho (awr). 2. Wax iin lug ku leh noqosho (neef geel).
page : 89 of 102
<< < 84 85 86 87 88 89 90 91 92 93 94 > >>