Ereyga Maanta: sawrac
karinbillayso Maro si karinbillo ah u tolasho.
karinbille ld karinbillo.
karinbillee Si karinbillo ah u tolid (maro).
karinbillo Habka dhar tooxiisu gaabtay loo tolo oo dhar kale loogu kabo. ld karinbille.
karingaabad Buuraha is-haysta duud-kooda kore oo siman, meel inta kale ka gaaban.
karis ld karin.
kariwaa Qof madax adag oo aan wax laga dhaadhicin karin.
karjinooma (daaw.) Kansar walba oo ka dhasha sooha ebiteliyamka oo saameeya maqaarka iyo uurkujirtada.
karkaar Qoryaha ceelka afkiisa la saaro ee marka ceelka wadaanta laga soo saarayo dawliska lagu dul jiido; makaab.
karkabad ld karkabo.
karkabadayn ld karkabayn.
karkabadee ld karkabee.
karkabayn eeg karkabee. ld karka-badayn.
karkabee Cid hawl qabashadeed inay dedejiso ku dirqin. ld karkabadee.
karkabeyn eeg karkabee. ld karka-badeyn.
karkabeysan Cid wax degdeg ku jiro ahaansho.
karkabo Ku dirqinta hawl qabasha-deeda lagu dirqiyo cid iney si degdeg u qabato. ld karkabad.
karkar 1. Tolmo lagu sameeyo dhar iwm. oo meelo badan ka dildillaacay. 2. K. ah: qof dirac ah. 3. Karka iyo rogmashada biyaha iyo waxii la mid ah oo kululaada.
karkarid Karkar badan u yeelid.
karkarin 1. Dhowr jeer karin. 2. Kar-kar gaarsiin (biyo iwm).
karkoor Dhul dhagax badan leh.
karmaandho Kalluunka badda nooc ka mid ah.
karmayn eeg karmee.
karmee 1. Meel laba xiddigood u dhaxeysa oo aan midna u bursanayn fariisasho (dayax). 2. Maro iwm. karmo u yeelid.
karmid eeg karan³.
karnaan eeg karan4. ld karnaansho.
karnaansho ld karnaan.
karniimo ld karniin.
karniin 1. ld karniimo. Awood; karti. 2. (-iimmo, m.dh) Kar; kab; nud.
karo Maro, darbaal iwm oo meeli ka daloosho karin saarasho.
<< < 887 888 889 890 891 892 893 894 895 896 897 > >>