karshin (2) Hilib wax aad loo kariyey noqosho.
karsi ld karsasho.
karsii Qof wax ku dhib ah in uu ku dhawaaqo u suurtaggelin.
karsiin eeg karsii.
karso Wax dab iyo biyo ku bislaysasho.
karti Awood u suurtaggelineysa qof inuu hawl si fiican u qabto.
kartidarro Karti yaridda uu qof leeyahay oo u diidda in uu hawl si fiican u fuliyo. ld kartixumo, kartili'i.
kartili'i ld kartidarro.
kartixumo ld kartidarro.
karuur (1) Tuuridda alaab iwm meel la tuuro.
karuur (2) Caano geel oo dhanaan.
karuur (3) Alaab iwm meel tuurid.
karuur (4) Caano geel dhanaan noqosho.
karuurad ld karuurasho.
karuuran (1) Wax meel tuurmay noqosho.
karuuran (2) Wax meel tuuran ahaansho.
karuuran (3) Caano karuur noqosho.
karuuran (4) Caano karuur ahaansho.
karuurasho eeg karuuro. ld karoorad, karoorasho, karuurad.
karuurid 1. eeg karuur ³. 2. eeg karuur4.
karuurmid 1. eeg karuuran¹. 2. eeg karuuran³.
karuurnaan 1. eeg karuuran². 2. eeg karuuran4. ld karuurnaansho.
karuurnaansho ld karuurnaan.
karuuro Wax badan is dul saarasho. ld karooro.
karwaliin Dareere kiimiko ku jirto oo musqulaha lagu dhaqo.
kas (1) 1. Awood maskaxeedka wax lagu kala garto. 2. Ulakac; bareer.
kas (2) 1. Wax macnihiisa garasho. 2. U k.: wax ulakac u sameyn.
kasab (1) Hanti dhibaata badan loo maray helitaankeeda.
kasab (2) Wax si dhib leh ku helid; tacbid.
kasaliim Kabax.
<< < 889 890 891 892 893 894 895 896 897 898 899 > >>