Ereyga Maanta: xarmasho
keyrkeyr (2) Cabsi darteed la gargariirid.
keyrkeyri Cabsi gelin (cid).
keyrkeyrid eeg keyrkeyr².
keyrkeyrin eeg keyrkeyri.
khaa'in Qof dhagar badan. ld khaayin.
khaa'iniin eeg khaa'in.
khaa'innimo Khaa'in ahaansho.
khaaddin 1. Nin meel barakaysan sida masaajid iwm. ka adeega oo barako doon ah. 2. Nin wadaad u adeega oo barako doon ah. ld khaaddun.
khaaddun ld khaaddin.
khaafsan Wax dareenkiisa garasho feker awgiis la maqan yahay ahaansho.
khaafsanaan eeg khaafsan. ld khaaf-sanaansho.
khaafsanaansho ld khaafsanaan.
khaakhuul Rabsho xa-silloonida lagu waxyeeleeyo.
khaalis Wax saafi ah oo aan wax kale ku jirin.
khaanad Meel yar oo wax lagu rito oo lagu sameeyo armaajada, miiska iwm.
khaarij Dal, dalalka kale ee xuduuddiisa dibadda ka ah.
khaariji 1. Qof dilid. 2. Qof, qof kale wax ka raba ka reebid.
khaarijin eeg khaariji. ld khaarijis.
khaarijis ld khaarijin.
khaas 1. K. ah: wax gaar ah oo lagu keli yahay. 2. K. ahaan: gaar ah, gooni ah.
khaash (1) Cunno, miro, dawo iwm oo intay raageen xumaadey; faad. ld qaash.
khaash (2) Cunno, miro, dawo iwm faadid.
khaashid eeg khaash².
khaati ld khaatir.
khaatimo Sida wax waliba ku dhammaadaan ama ku dambeeyaan; ciribdambeed. ld khaatumo.
khaatir 1. ld khaatil. Qof dhagar badan. 2. Kh. ka joog: qof, qof kale shiddaysan. ld khaati.
khaatumo ld khaatimo.
khaawis (1) Fiirada qof meel daloosha laga fiiriyo isaga oo aan ogeyn.
khaawis (2) Iyadoo aan ogeyn cid meel daloosha ka firiin.
khaawisid eeg khaawis².
<< < 898 899 900 901 902 903 904 905 906 907 908 > >>