Ereyga Maanta: sargadayn
khaliifan (dii.) Qof la khaliifay ahaansho.
khaliifid eeg khaliif².
khaliifnaan eeg khaliifan. ld khaliif-naansho.
khaliifnaansho ld khaliifnaan.
khaliifnimo Khaliif ahaansho.
khalji (1) Qoryo dhuudhuuban oo aqallada lagu dhiso ama bedemmada iwm lagu awdo ama lagu karo; sarab; sadaq.
khalji (2) Khalji wax ku dhisid.
khaljiyid eeg khalji².
khalkhal (1) 1. Kh. ah: xasillooni darro qof ku dhacda cabsi, farax, naxdin iwm awgood. 2. Kh. ah: qalab xubno badan ka kooban oo adkaantii iyo is-haysashadii ka ba'do; kharraab.
khalkhal (2) 1. Qof xasillooni-darro muujin. 2. Qalab kharraa-bid.
khalkhal-birlabeed (c.fal) Qulqulad weyn oo ku dhacda bed birlabeedka dhulka oo dunida oo dhan saamaysa, taas oo dhammaan ama sida badan qarinaysa isbeddelka maalmeed.
khalkhalgeli ld khalkhali (1).
khalkhalgelin ld khalkhalin.
khalkhalgelis ld khalkhalin.
khalkhali ld 1. ld. khalkhali. Cid khalkhal ku abuurid.². Aala.
khalkhalid eeg khalkhal².
khalkhalin eeg khalkhali. ld khalkhalgelin, khalkhalgelis, khalkhalis.
khalkhalsan 1. Wax khalkhal la geliyey ahaansho. 2. Wax la kharraabiyey ahaansho.
khalkhalsanaan eeg khalkhalsan. ld khalkhalsanaansho.
khalkhalsanaansho ld khalkhal-sanaan.
khalqi u Uun badan.
khalqid eeg khalaq.
khalwo ld khilaawo.
khamaar (1) Cayaaro lacag lagu kala helo. ld khammaar¹.
khamaar (2) 1. Khamaar ciyaarid. 2. Ku k.: wax biimo gelin. ld khammaar².
khamaarid eeg khamaar². ld kham-maarid.
khamaas (1) Kh. ah: bil labaatan iyo sagaal ku dhammaata; toomman.
khamaas (2) Toomman noqosho (bil).
khamaasid eeg khamaas².
khamiir (1) 1. Badar cajiiman, muddo la huuriyo si loo dubi karo. 2. Badar yar, cajiiman oo canjeero, bur iwm lagu fixiyo.
<< < 901 902 903 904 905 906 907 908 909 910 911 > >>