khamiir (2) Badar cajiiman khamiir noqosho.
khamiiri Khamiir ka dhigid.
khamiirid (1) eeg khamiir².
khamiirid (2) (baay.) Isbeddel kiimikaad oo ay walxaha orgaanikada ku dhaliyaan waxyaabo nool (sida: yiist, baktiiriya, iwm). Falkaasna waxa keena insaymo. Waa dariiqada lagu diyaariyo alkoollada (sida: itanool). Marka insaymka loo yaqaan siyaameys uu la falgalo sonkoraha (sakaraydhada) ku jira istaarijka.
khamiirin eeg khamiiri.
khamiis (1) Dhar tolan oo ilaa canqowyada jooga, gacmo dheerna leh oo raggu gashadaan. ld qamiis.
khamiis (2) Maalmaha toddobaadka mid ka mid ah oo arbacada iyo jimcaha u dhexeysa.
khammaar (1) ld khamaar¹.
khammaar (2) ld khamaar².
khammaarid ld khamaarid.
khamraawi Xargaha shiraaca haya midkood.
khamraysan Ahaansho qof khamri cabsan.
khamraysnaan eeg khamraysan. ld khamraysnaansho.
khamraysnaansho ld khamrays-naan.
khamri ld khamro.
khamriyacab Qofka khamriga cabba.
khamro Wax kasta oo la cabbo oo aalkol ku jirto oo lagu sakhraamo. ld khamri.
khamsiin (juqr.) (Carabi) Dabayl koonfurlayda kulul oo qallalan oo ka dhacda masar, waxay la xiriirta sirookada woqooyiga Afrika.
khaniis Baane; siiba midka carruurta faraxuumeeya.
khanni Qolalka iyo hulalka alaabada lagu guro (markab, dooni iwm).
khansiir Naasley jaadad badan leh oo Muslinka iyo Yuhuudda maahee dadka kale hilibkiisa cunaan.
kharaab (1) K. ah: qalab gabay hawshuu qabanayey. ld kharraab¹.
kharaab (2) 1. Shaqeyn waayid (qalab). 2. Hawl gabid (qalab). ld kharraab².
kharaabi Kharaab ka dhigid (wax). ld kharraabi.
kharaabid eeg kharaab². ld khar-raabid.
kharaabin eeg kharaabi. ld khar-raabin.
kharaabsan Ahaansho wax kharaabay. ld kharraabsan.
kharaabsanaan eeg kharaabsan. ld kharaabsanaansho, kharraabsanaan, kharraabsanaans.
kharaabsanaansho ld kharaab-sanaan.
kharaar ld xaraar¹.
<< < 902 903 904 905 906 907 908 909 910 911 912 > >>