Ku dar erey cusub Qaamuuska!

Ereyga Maanta: marjiid
laylyid eeg layli². ld laylis, layliyid.
layn (1) 1. Xarriiq toosan oo meel ku calaamadaysan. 2. Saf. 3. Xarig koronto, taleefan iwm oo isku xira laba meelood ama in ka badan.
layn (2) eeg lay.
layr Dabayl aan xoogganayn oo qabow; neecaw.
layrad ld layrasho.
layrasho eeg layro. ld layrad.
layri Wax dabayl u dhigid.
layrin eeg layri.
layro Dhanka dabayshu ka imaanayso aadid (xoolo iwm).
layrsad ld layrsasho.
layrsasho eeg layrso. ld layrsad.
layrso Neecaw isu dhigid.
laysad ld laysasho.
laysasho eeg layso. ld laasad, laasasho, laysad, laysi.
layso Wax dhammaysasho. ld laaso.
laystaan (1) L. ah: nin dhibaato iyo waxyeello badan leh.
laystaan (2) Waxyeello badan oo cidi geysato.
le'ad ld le'asho.
le'asho eeg le'o. ld le'ad.
le'eg La siman; la mid ah; la fil ah; aan ka yarayn kana weyneyn.
le'ekaan eeg le'eg. ld le'ekaansho.
le'ekaansho ld le'ekaan.
le'ekayn eeg le'ekee.
le'ekaysii Ku jaangoyn; wax le'eg ka dhigid; la simid.
le'ekaysiin eeg le'ekaysii.
le'ekee La ekayn; la mid noqosho; la simid; isku in keenid.
le'o Dad, xoolo, ugaar iwm aad u dhimasho.
lebbed Nooc siyaaqadda dumarku isku qurxiyo ka mid ah oo dahab ka samaysan.
lebbis (1) ld labbis¹.
lebbis (2) ld labbis².
<< < 956 957 958 959 960 961 962 963 964 965 966 > >>