dharab31. Dhiriqda lo'da. 2. ld dhereb.
dharab-barafeed(fiis.) Dahaar baraf siman ah, oo mararka qaarkood leh dhumuc door ah, kaas oo ku dul samaysma walxaha roobku kula da'ayo jawi heerkulkiisu uu ka hooseeyo barta barafowga. Dharab baraf waxa kale ee uu samaysmaa marka dabayl diiran oo qoyan ay ka dhacdo meel qabow daran ka jiro, taas oo keenta in qoyaankii dabayshu ay sidday uu ku dul fadhiisto waxyaabaha heerkulka dushoodu uu ka hooseeyo barta fadhiisiga.
dharaboWax yar oo gasiin ah.
dharaboobideeg dharabow².
dharabow1Cudur cagaha dadka ka gala oo u yeela barar iyo dildillaac oo ka dhasha dhiriqda iyo dhoobada.
dharabow2Wax cudurka dharabowgu cagaha uga dhacay noqosho.
dharabsadld dharabsasho.
dharabsanWax qoyaan yar gaaray ahaansho.
dharabsanaaneeg dharabsan. ld dharabsanaansho.
dharabsanaanshold dharabsanaan.
dharabsashoeeg dharabso. ld dharabsad, dharabsi.
dharabsild dharabsasho.
dharabsoMaro, saan iwm qoyaan yar ku shubasho.
dharanNeef ido ah wax madax cad ahaansho.
dharaqIn yar oo caano ah oo neef la maalay ama la nuugay candhadiisa ku harta.
dharaqsadld dharaqsasho.
dharaqsashoeeg dharaqso. ld dharaqsad, dharaqsi.
dharaqsild dharaqsasho.
dharaqsoCandho dharaq ka maalid ama ka nuugid.
dhararRaagsasho.
dhararideeg dharar.
dhararsadld dhararsasho.
dhararsanWax dhararay ahaansho (nafley).
dhararsanaaneeg dhararsan. ld dhararsanaansho.
dhararsanaanshold dhararsanaan.
dhararsashoeeg dhararso. ld dhararsad, dhararsi.
dhararsild dhararsasho.
dhararsoWax la sugayey raagsasho.
dharas11. Diiddada hali diiddo in la maalo ama ilmaheedi nuugaan. 2. Hilib aad caato u ah; bantar. 3. Qof aad u karti yar. 4. Caro. 5. Dh. ah: nafley buuran laakiin jirkeeda dhad ku jiro (ido).
dharas21. Hal in la maalo ama ilmaheedi nuugaan diidid. 2. Qof xanaaqid. 3. Wax la gansaday wax ku diidid.
<< < 105 106 107 108 109 110 111 112 113 114 115 > >>