Ereyga Maanta: dhabataysi
nasteexo ld naseexo.
natarik-asiidh (kiim.) Hoore midablaawe ah oo bida, oo dharka iyo jidhkaba cuna. Waa asiidh xoog badan.
natiijo Fal la sameeyo wax ka soo baxa.
nawaaxi Dhulka ku xeeran hadba meesha laga hadlayo.
nawir (1) ld nawirid.
nawir (2) Wax dhalaalaya ka dhigid (wax).
nawirid eeg nawir². ld nawir¹.
nax 1. Cabsi iyo welwel kedis ah dareemid. 2. U n.: qof wax wanaagsan la jeclaysasho iyadoo laga xanunsanayo dhib haysata.
naxaas (jool.) Macdan adke ah, dhulka laga qodo, leh midab cagaar ah, dusha lagaga dahaadho xadiidka si uu mirirka uga ilaaliyo, lagana sameeyo qalab badan oo la adeegsado.
naxar Dab aad u kulul.
naxariis Dareen raxmadeed oo cid ku dhasha dhib cid kale haysata darteed.
naxariisad ld naxariisasho.
naxariisasho eeg naxariiso. ld naxariisad.
naxariiso U n.: cid naxariis u gelid.
naxas Maalin ama waqti nuxus ah. ld naxsi².
naxash (naxash/-shyo, m.dh) ld nacash (2).
naxdin Dareen cabsi ku jirto oo qof ku dhacda marka uu la kulmo waxyeello aanu filanayn.
naxli 1. Xumaan xaasidnimo ku jirto. 2. ld laxni. 3. Dheecaanka ka soo baxa nabar buka.
naxsan Wax naxay ahaansho.
naxsanaan eeg naxsan. ld naxsanaansho.
naxsanaansho ld naxsanaan.
naxsasho eeg naxso. ld naxsi¹.
naxsi (1) ld naxsasho.
naxsi (2) ld naxas.
naxso Ka n.: cid naxdin ku abuurid.
naxuus (1) ld nuxuus¹.
naxuus (2) ld nuxuus².
naxuusi ld nuxuusi.
naxuusid ld nuxuusid.
naxuusin ld nuxuusin.
<< < 1127 1128 1129 1130 1131 1132 1133 1134 1135 1136 1137 > >>