Ku dar erey cusub Qaamuuska!

Ereyga Maanta: cirbi
qalaanqal (1) Qas; qulqulad; wareer.
qalaanqal (2) 1. Qas; qulqulad; wareer. 2. Geed-abaareed higlada u eg aan qodxo lahayn leh miro yaryar oo cas cas, dambaskiisana magaad iyo dawo cadhada lagu dhayo laga dhigto, oo xooluhu daaqaan.
qalaanqalmadow Nooc qalaanqalka ka mid ah oo caleemahiisu aad u cagaaran yihiin.
qalab 1. Alaabta wax lagu qabsado ama lagu dhaqmo oo dhan. 2. Hubka lagu dagaalamo oo dhan. 3. (muus.) Qalabka muusikada.
qalabayn eeg qalabee.
qalabee 1. Meel qalab u yeelid. 2. Cid hubeyn.
qalad (1) Samaynta wax, fal, hadal iwm. loo sameeyo si aan sax ahayn; gef.
qalad (2) 1. (f.g) Wax si aan sax ahayn u samayn. 2. (f.mg) Ku q.: wax, wax kale oo aan ku habbooneyn ku qasid.
qalaggoo Nafley qalo ka bi'id.
qalaggoyn eeg qalaggoo.
qalal (daaw.) Isku roorid muruqeed oo aan qofku ogeyn keentana qalqalloc jirka iyo addimada.
qalalaas Degganaan iyo xasilooni la'aan. ld qalalaase, qalalaaso.
qalalaase ld qalalaas.
qalalaaso ld qalalaas.
qalalab Si shanqar iyo buuq leh oo wax isaga dabadhacaan; rabshad.
qalalabi Wax si dhaqso leh u sameyn.
qalalabin eeg qalalabi.
qalalabsasho eeg qalalabso.
qalalabso Wax si dhaqso ah u cabbid.
qalamaanyo 1.Dad isku dhex jira oo aan isgaranayn. 2. Dad keli keli ah.
qalami (1) ld qalammi.
qalami (2) Nafley yar oo indha waaweyn leh oo cagaha iyo dabada daanyeerka uga eg, wejiga iyo dhegahana dawacada ugu eg; geedatiris.
qalammi Shiraac yar. ld qalami¹.
qalan (1) 1. Wax la qalay noqosho (nafley). 2. U q.: wax, wax istaahilid.
qalan (2) 1. Wax la qalay ahaansho (nafley). 2. U q.: wax, wax istaahila ahaansho.
qalanjo 1. Maroodiga dheddig. 2. (riw.) Haweeney jisha qeybta ugu muhiimsan ee filin ama riwaayad. 3. Naag aad u qurux badan.
qalasho eeg qalo².
qalaw 1. Kalagoyska cududda iyo garabka. 2. Xanuun ku dhaca kalagoyska cududda iyo garabka.
qalawille Geed-abaareed gaaban oo higlaha u eg qodaxna lahayn oo waqtiga jiilaalku dheeraado xoolaha caleentiisa lagu barbixiyo.
qalawle 1. Geel guran ah. 2. Muqmad aan subag iyo dufa midna lahayn. 3. Cantalaay.
<< < 1170 1171 1172 1173 1174 1175 1176 1177 1178 1179 1180 > >>