muransan Laba qof ama ka badan wax murmay ahaansho.
muransanaan eeg muransan. ld muransanaansho.
muransanaansho ld muransanaan.
murbax (1) ld mudbax¹; mudbixid.
murbax (2) ld mudbax².
murbaxsan ld mudbaxsan.
murbaxsanaan ld mudbaxsanaan.
murbaxsanaansho ld mudbaxsanaan.
murbay Koob aad u yar oo ka samaysan dhoob, dheg la qabsadana aan lahayn oo qaxwada lagu cabbo.
murbixi ld mudbixi.
murbixid ld midbixid.
murbixin ld mudbixin.
murbooc ld marbooc.
murcanyo 1. (bot.) Geed-nagaar caleemo yaryar oo cagaaran, leh miro gadguduudan oo afar-afar isugu dheggan lana cuno; miracas. 2. Miraha geedka murcanyada. ld mircanyo.
murcood ld murcud.
murcud (murcud, m.dh) 1. (bot.) Geed weyn oo qodax gaagaaban iyo caleemo yar-yar oo cagaaran leh, oo dhala miro kulkulucsan oo dhexda laf weyni uga jirto, dhadhan dhanaan ahna leh oo la cuno. 2. Miraha geedka murcudka. ld murcood.
murdad Dhacaan (geed) aad u kulul oo layskuna daaweeyo. ld murdud.
murdi 1. Badar bisil, subag, caano, malab iwm oo weel ku haray far ku tirid. 2. Cunto weel ka wada dhammayn. ld mudri.
murdin eeg murdi. ld mudrin, mudris, murdis.
murdis ld murdin.
murdiso Farta gacanta oo suulka iyo fardhexaadda u dhexeysa, murugsato.
murdud ld murdad.
murdux 1. M. ah: qof aan dhar xirnayn. 2. M. ah: nafley dhogor ama baalal aan lahayn.
murduxan Nefley wax murdux ah ahaansho.
murduxnaan eeg murduxan. ld murduxnaansho.
murduxnaansho ld murduxnaan.
murgacad ld murgucasho.
murgacasho ld murgucasho.
murgaco ld murguco².
murgacsan ld murgucsan.
<< < 114 115 116 117 118 119 120 121 122 123 124 > >>