murgacsanaan ld murgucsanaan.
murgacsanaansho ld murgucsanaan.
murgi ld murji.
murgici Xubnaha kalagoysyada lafaha dhaadheer kala maroojin jug ku gaarsiin.
murgicin eeg murgici.
murgid eeg murug³.
murgin ld murjin.
murgoco ld murguco¹.
murgoo ld murugoo.
murgood ld murugood.
murgucad ld murgucasho.
murgucasho eeg murguco². ld murgacad, murgacasho, murgucad, murkucad.
murguco (1) Lafaha kalaggoysyada. ld murgoco, murkuco¹.
murguco (2) 1. Xubnaha kalagoysyada lafaha dhaadheer kala maroojin jug ku gaarsiin. 2. Ka m.: arrin sidii loo rabay ka marin habaabid. Tus. “Arrintii cali waa ka murgucatay”. ld murgaco, murkuco².
murgucsan Qof wax murgucday ahaansho. ld murgacsan, murkucsan.
murgucsanaan eeg murgucsan. ld murgacsanaan, murgacsanaansho, murgucsanaansho.
murgucsanaansho ld murgucsanaan.
murgux M. ah: wax adag, gaaban oo kor sulub ah leh oo faraha ka siibta.
murguxan Wax murgux ah ahaansho.
murguxnaan eeg murguxan. ld murguxnaansho.
murguxnaansho ld murguxnaan.
murguxsan Wax kuusan oo gacanta ka sibiibixanaaya ahaansho.
murguxsanaan eeg murguxsan. ld murguxsanaansho.
murguxsanaansho ld murguxsanaan.
muri Murud leefid.
murid eeg mur³.
muriid (dii.) Wadaadka kaniisada ingriiska oo loo xilsaaro in uu ilaaliyo tamiga iyo rabitaanka dadka.
murin eeg muri.
murjaan (1) Geed weyn, laf adag oo qoryihiisa kaneecada iwm laga shito. ld murjeen.
murjaan (2) 1. Dhagax-la-mood qaali ah, midabbo badan leh, ka samysma dheecaan adkaaday oo ay dhalaan bahallo yaryar oo badda ku jira, oo suuqiyadaha dumarku isku qurxiyaan laga sameeyo. 2. Wax kasta oo murjaanta laga sameeyo. ld marjaan.
<< < 115 116 117 118 119 120 121 122 123 124 125 > >>