Ereyga Maanta: miryaadis
qawle ld qowle.
qawley Mindi xoog badan oo hilbaha lagu googooyo.
qawlid eeg qawl².
qawmiyad Jinsiyad. ld qowmiyad.
qawqab (1) ld qabaanqab¹.
qawqab (2) ld qabaanqab³.
qawqabid ld qabaanqabid.
qawrar (1) Dildillaac yaryar oo jirka nafleyda, dhulka derbiyada iwm yeeshaan marka uu kulayl ama qabow badan ku dhaco.
qawrar (2) Jir nafley, dhul, derbi iwm dildillaac yaryar yeelasho kulayl ama qabow dartii.
qawrarid eeg qawrar².
qaws Laba calaamadood oo bil u eg, iskana soo horjeeda oo ereyada, hadallada iwm la dhex gesho middood. ld qows.
qawsasho eeg qawso. ld qawsi.
qawshad eeg qawsho.
qawsho Calaalin (gocoso, goon).
qawsi ld qawsasho.
qawsii Shanqar “qaw” ku dhalin.
qawsiin eeg qawsii.
qawso Dab kulaalid.
qax (1) Guuriitaan meel si degdeg ah looga cararo cabsi awgeed.
qax (2) Cabsi awgeed meel si degdeg ah uga guurid.
qaxaab (1) Nin saani ah oo macsida aad u jecel; dhilley.
qaxaab (2) 1. ld qaxaabad. 2. Godad bahala galeen ah.
qaxaabad Naag jirkeeda ka ganacsata; dhillo.
qaxaabnimo Qaxaab ahaansho.
qaxaanqax (1) Qaylada ay samayso dooradu marka ay ukun dhali rabto. ld qaxaanqixid, qaxanqax¹.
qaxaanqax (2) Dooro ukun dhali rabta qaylo samayn. ld qaxanqax².
qaxaanqixid eeg qaxaanqax². ld qaxaanqax¹, qaxanqax¹, qaxanqixid.
qaxan (1) 1. Q. ah: dhuxul shidan oo aan dambas dusha ka fuulin. 2. ld qaxmid.
qaxan (2) Dhuxul, wax shidmay noqosho.
qaxanqax (1) ld qaxaanqax¹, qaxaanqixid.
<< < 1200 1201 1202 1203 1204 1205 1206 1207 1208 1209 1210 > >>