bashiicsan Wax la bashiiciyey ahaansho (albaab iwm). ld bishiicsan.
bashiicsanaan eeg bashiicsan. ld bashiicsanaansho, bishiicsanaan, bishiicsanaansho.
bashiicsanaansho ld bashiicsanaan.
bashiishad 1. Neef la rabay in la ogaado kolkuu dhalayo, oo cidla ku dhala. 2. Arrin aan sidii la rabay noqon oo aan lagu liibaanin. 3. ld bashiishasho.
bashiishasho eeg bashiisho. ld bashiishad (3).
bashiishirad ld bashiishirasho.
bashiishirasho eeg bashiishiro. ld bashiishirad.
bashiishiro Si sahlan u dhalid (nafley).
bashiisho 1. Si lamafilaan ah ugu dhalid meel aan la rabin (neef). 2. Arrin sidii loo qorsheeyey si ka duwan u dhicid.
basho mukulaal; bisad; dinnad; dummad; yaanyuur;
bashuuqsad ld bashuuqsasho.
bashuuqsasho eeg bashuuqso. ld bashuuqsad, bashuuqsi.
bashuuqsi ld bashuuqsasho.
bashuuqso Wax jilicsan oo afka laga buuxsaday calalin.
basid eeg bas².
baslayn eeg baslee. ld basle (3).
basle 1. Baadiddoon aan raad iyo baytin midna loo hayn oo socod iyo wareeg badan. 2. Wax hab la'aan lagu doono oo aan jaangooyo hore loo dhigan. 3. ld basleyn.
baslee Basle samayn.
baso 1. Madaxa dadka meesha ugu korraysa, dhalo, dhako. 2. Bidaar.
basoole Nin madaxa bidaar ku leh.
basowti (basowti/-iyo, m.dh) Nafley buuran oo aan tabar lahayn.
basowtinnimo Basowti ahaansho.
basrid eeg basar². ld basar¹.
bastoolad Hubka fudud nooc ka mid ah, xabbado ka dhacaan, jeebka lagu qaadan karo oo gacanta laga rido. ld baastoolad.
bastooreyn (daaw.) Kululeynta caano ilaa kulku gaaro 65°C oo lagu hayo soddon daqiiqadood (30), ama kulka la gaarsiiyo ila 72°C laguna hayo shan iyo toban daqiiqadood (15), si loo dilo baktiiriyada ay ka mid yihiin kan qaaxada iyo kan tiifowga.
bataato Geed qudaarta la beerto ka mid ah oo leh bari macaan oo la cuno marka la karsho. ld baradho.
bataax Ciid aad u jilicsan oo aan boor lahayn. ld batuux.
batac ld butuc (1).
batacsan ld butucsan.
batacsanaan ld butucsanaan.
<< < 118 119 120 121 122 123 124 125 126 127 128 > >>