Ereyga Maanta: calman
ra'liyayn ld ra'yiyayn.
ra'liyee ld ra'yiyee.
ra'yi (aaraa', m.dh) Figradda qof leeyahay ee uu ku cabbiro ujeeddooyin-kiisa. ld ra'li.
ra'yibixi Ka r.: arrin figrad ka dhiibasho. ld ra'libixi.
ra'yibixin eeg ra'yibixi. ld ra'libixin.
ra'yiyayn eeg ra'yiyee. ld ra'liyayn.
ra'yiyee 1. (f.g) Arrin mala-awaalid. 2. (f.mg) U r.: cid talo fiican siin. ld ra'liyee.
ra'yulcaam Figrad dadka intiisa badani isku raacsantahay.
raab Qayb.
raabac (1) Qof buuxiya kaalin cayaar turub oo maran.
raabac (2) Kaalin ciyaar turub oo maran buuxin.
raabacad Cayaar turub (dabaka-eri)marka saddex raani baxdo tan afaraad ee harta.
raabacid eeg raabac(2)
raabakh (1) Qalab aad u gaboobay.
raabakh (2) Qalab, wax aad u gaboobay noqosho.
raabakhid eeg raabakh².
raabakhsan Wax raabakhay ahaansho (qalab).
raabakhsanaan eeg raabakhsan. ld raabakhsanaansho.
raabakhsanaansho ld raabakh-sanaan.
raabaraabe Laba kooxood ama wax ka badan oo kala dandambeeya isku jihana u socda; kooxkoox. ld raaberaabe.
raaberaabe ld raabaraabe.
raabiya (daaw.) Cudur muddo gaaban oo uu keeno fiirus, wuxuuna ku dhacaa maskaxda iyo xangullada ee xoolaha dhiigga kulul, waxaana sida badan dadka u gudbiya qaniinyada ey cudurka qaba. Astaamuhu waxay soo baxaan muddo u dhexeysa 10 beri ilaa sannad waxayna ka koobanyihiin: jir xanuun, qandho, dhibaato neefsashada, dhareerid, xilliyo qofku aad u kacayo iyo muruq-roor xanuun badan oo ay liqiddu keento. Xaaladaha dambe ee cudurka; aragga biyaha oo keena qallal iyo curyaannimo. Dhimashadu waxay dhacdaa 4-5 beri dhexdood.
raabsasho eeg raabso. ld raabsi, raamsasho, raamsi.
raabsi ld raabsasho.
raabso 1. Xoolo wax calalin; baryaqaadid. 2. Dad wax calalin. ld raamso.
raac 1. (f.g) Cid socod ku wehelin. 2. (f.g) Waddoqaadid. 3. (f.g) Diyaarad, baabuur iwm oo socda fuulid. 4. (f.g) Bahal iyo dayac xoolo ka ilaalin. 5. (f.g) Cid cayrsasho. 6. (f.mg) Ku r.: cid ra'yi iwm la oggolaan. 7. (f.mg) La r.: xoolo iwm garaacid.
raacasho eeg raaco.
raacatannimo Raacato ahaansho.
raacato Dad reer guuraa ah oo miyiga ku nool oo xoolo dhaqda.
raacdarreeb Dad gadaal ka daafacaya col wax dhacay ama wax dilay; Geeddan.
<< < 1239 1240 1241 1242 1243 1244 1245 1246 1247 1248 1249 > >>