Ereyga Maanta: joohaar-bibiish
ruurin eeg ruuri.
ruus R. ah: fadhiid.
Ruushka Wadanka Ruushka (Af-Ruush: Россия, Af-Ingiriis: Russia) waa wadanka ugu weyn aduunka, waxoona ku yaalaa qaaradaha Yurub iyo Aasiya. Caasimadiisu waa Moskow (Moscow)
ruux 1. Naf. 2. Qof.
ruuxaan ld rooxaan.
ruuxgoo Nafley nafta ka qaadid.
ruuxgoyn eeg ruuxgoo.
ruuxi (1) Waxyaalaha qarsoon ee dadku aaminsan yihiin jiritaankooda.
ruuxi (2) Nafley dhimanaysa naf ka dhawrid.
ruuxin eeg ruuxi².
rux 1. Haan caano ku jiraan lulid si subag looga dhaliyo. 2. Wax gilgilid.
ruxad ld ruxasho.
ruxan (1) Wax la ruxay noqosho (laan geed, haan caano ku jiraan iwm). ld ruxmo.
ruxan (2) Haan caano ku jiraan wax la ruxay ahaansho.
ruxasho eeg ruxo. ld ruxad.
ruxid eeg rux.
ruxmasho eeg ruxmo.
ruxmid eeg ruxan¹. ld ruxmasho.
ruxmo ld ruxan¹.
ruxnaan eeg ruxan². ld ruxnaansho.
ruxnaansho ld ruxnaan.
ruxo 1. (f.g) Qof, wax hilasho. 2. (f.g) Qof, haan caano ku lulasho. 3. (f.mg) Wax iskood u lulasho ama gilgilasho.
s (sa') Xarafka siddeed iyo tobnaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.
saa (1) 1. Armaa, billaa, sow. 2. Sida tan.
saa (2) 1. Markaas; haddaba. 2. Maxaa-yeelay, waxay kunoqotay, sabab.
saa'id (1) ld saayid¹.
saa'id (2) ld saayid².
saa'idcalayn ld saayidcalayn.
saa'idcalee ld saayidcalee.
saab (1) 1. Qalab ka samaysan xididdo, maqaar, laamo yaryar oo weelasha qaarkood lagu rido laguna qaado. 2. Oogada qaarkeeda sare, inta ka samay-san isku qoofalka feeraha, lafdhabarta iyo lafsakaarta oo wadnaha iyo sambabbadu ku dhex jiraan. 3. Taliye.
<< < 1278 1279 1280 1281 1282 1283 1284 1285 1286 1287 1288 > >>