Ku dar erey cusub Qaamuuska!

Ereyga Maanta: shugriyid
sarar (1) Derin caws ka samaysan oo aan toban kabood ka bad-nayn.
sarar (2) Feeraha intooda hoose oo saracda xigta iyo hilibka saaran.
sararacaddeeye Geed dhulka dooxoo-yinka ah ka soo fuura oo xooluhu aad ugu cayilaan.
sararaggale Deriskunool gala dhogorta nirgaha oo dhiigga ka nuuga.
sararcaddeeye Geed dhulka dooxoo-yinka ka soo fuura oo xooluhu aad ugu cayilaan.
sarasho eeg saro².
sarayn eeg saree.
sarayo Iska hor-imaad; dagaal; cadaawad.
sarbeeb Hadal maldahan oo macne ku qarsoon yahay.
sarbi ld darbi.
sarbid eeg sarab².
sarbin ld darbin.
sarcan (1) ld sarac².
sarcan (2) Wax la sarcay ahaansho (geed).
sarcanaan eeg sarcan². ld sacra-naansho.
sarcanaansho ld sarcanaan.
sarcasho eeg sarco².
sarcid eeg sarac³.
sarco (1) Cudur maskaxeed dadka ku dhaca oo lala suuxo; qallal.
sarco (2) 1. Beer abuurasho. 2. Geed si uu xabag u dhalo mudmudasho.
sardhaban S. ah: cudur halis ah oo Ilaahay nafleyda u fududeeyey.
sardhayn eeg sardhee.
sardhee Qof wax yar seexasho.
sardho Hurdo yar.
sardiin Huduf; baaqe. sare s. Meel korreysa ku sugan; sarreeya.
saree 1. Nafley cudur qaadsiin. 2. Cid wax xun barid (qof).
sareedaan Jikada doonyaha iyo maraakiibta.
sareedayn eeg sareedee.
sareedee Cid barwaaqayn (Ilaah).
sareedo Barwaaqo.
<< < 1313 1314 1315 1316 1317 1318 1319 1320 1321 1322 1323 > >>