shacaab-dhaliye (c.nafl) Xayawaan badeed yar oo duudkiisa intiisa badani ka samaysanyahay kaalsiyam kaarboonayt. Marka xayawaankaasi dhin-to, kaalshiyam kaaboonaydkii ku jiray duudkiisa baa sameeya dhagax shacaabi, shacaabigaasina wuxu sameeyaa jasiirado shacaabi.
shacaab-taxan (c.nafl.) Silsilad dhadhaabeed oo jiifta badda ama badda agteeda, oo badanaa ka samaysan shacaabi dhaliye aad u tiro badan.
shacab (shucuub, m.dh) 1. Dadweyne; ummad. 2. Qar badda dhexdeeda ku yaal. ld shacbi, shicib.
shacayn eeg shacee. ld shacays.
shacays (1) 1. Qori xabbad-keliyaale ah oo waayadii hore lagu dagaallami jirey. 2. Wax si aan caadi ahayn u shaqeeya. ld shucays.
shacays (2) ld shacayn.
shacbaan Bilaha dayaxa oo Musliimku tirsado tooda siddeedaad oo u dhexeysa rajab iyo soonqaad; soondheere.
shacbi ld shacab.
shacbiweyne Dadweyne.
shacdur Cayaar carruureed carruurtu miro kariiri ay ku dhaqaystaan oo ulo af dhuuban leh.
shacee Ood qoyan oo wax lagu oodayo si ayan daldalool u yeelan, isuguna cufanto hangool ku riixid.
shactirayn ld shaacirayn.
shactiree ld shaaciree.
shactiro ld shaaciro.
shactiroole ld shaaciroole.
shad (1) Astaanta muujisa in shibbanuhu uu labalaabanyahay (far-carbeedda).
shad (2) (fiis.) Xoogga saaran halkii halbeeg ee bedka walax, sababana in ay walaxdu qaab doorsoonto.
shadaaf 1. Galka timirta lagu guro. 2. Gogol yar iwm oo qof leeyahay.
shadni ld shidni.
shaf (1) 1. Meesha wareegsan oo geelu marka uu fadhiisanayo uu dhulka dhigto; leg. 2. Xabad; gaaddo.
shaf (2) Geedo iwm jarid.
shafee Dhaawac daaweyn.
shafeec (1) ld shafeeco.
shafeec (2) Qof ciriiri ku jira Ilaah gargaar uga baryid.
shafeecid eeg shafeec².
shafeeco 1. Raxmad iyo naxariis xag Eebbe laga helo. 2. Gargaar iyo naxariis. ld shafeec¹.
shafeecsad ld shaafeecsasho.
shafeecsasho eeg shafeecso. ld shafeecsad, shafeecsi.
shafeecsi ld shafeecsasho.
shafeecso Wax faa'iidadooda iyo waxtarkooda isticmaalid.
<< < 1332 1333 1334 1335 1336 1337 1338 1339 1340 1341 1342 > >>