sadkax 1. Geed nagaar yar oo leh laamo iyo caleemo jilicsan iyo miro la cuno, askax. 2. Miraha geedkaasu dhalo.
sado Canshuur la siiyo boqorrada. ld sedo.
sadqayn eeg sadqee.
sadqee Xoolo allabari ahaan u qalid.
sadqo 1. Xoolo allabari ahaan loo qalo. 2. S. ah: qof aan qiimo lahayn.
saf (1) Wax badan is wada barbar taagan, aan kala horreyn kalana dambayn; sarac.
saf (2) Wax saf gelin.
safaana (juqr.) Ama dhul-cawsaadka kulaaleyda waa gobolka adka la leh kaymaha badhaalaha kubbad badh asta, isla markaana dhaca inta u dhaxaysa ama degaannada diiran (latter) iyo kuwa kulul, deegaanta dabiiciga ah ee ka baxdaa waa caws iyo hir teel-teel ah, wuxuuna leeyahay xilliyo qoyaan iyo qallayl, roob la'aanta xilliga dambena waxay ka hor tagtaa bixitaanka keymaha meelaha qo-yaanka leh mooyee.
safaarad Xaafiiska danjiraha. ld safaaro.
safaaro ld safaarad.
safad 1. Qufad yar oo qurxoon aaburna leh oo caw ka samaysan waxna lagu rito. 2. ld safasho.
safaleeti ld fasaleeti.
safan (1) Dildillaac dadka kaga dhaca cagaha oo qabowga iyo kulaylku keenaan. ld hilibsafan.
safan (2) (c.nafl.) Nafley badda ku jirta oo jirkeedu ka koobanyahay labo baal oo balballaaran madax yar iyo dabo sida xarigga u dhuuban oo qodxo ku tagtaaganyihiin, waxayna u egtahay sammiir yar.
safan (3) Wax si saf ah u taagan ahaansho.
safar (1) 1. Socdaal. 2. Dad gaadiid wata oo arrin ganacsi magaalo u aaday.
safar (2) Bilaha dayaxa lagu xisaabo too-da labaad.
safar (3) 1. Meel ka socdaalid. 2. Iyadoo meel ganacsi loo aadayo meel ka tegid.
safasho eeg safo. ld safad.
safayn ld sifayn.
safaysan (1) ld sifaysan¹.
safaysan (2) ld sifaysan².
safaysmid ld sifaysmid.
safaysnaan ld sifaysnaan.
safaysnaansho ld sifaysnaan.
safee ld sifee.
safeexad ld faseexad.
safid eeg saf².
safiih S. ah: qof caqli gaab ah; doqon. ld sufeehi, sufiih, sufiihi.
safiir Danjire dalkiisa u jooga dal kale oo shaqo dibolomaasi u haya.
<< < 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 > >>