Ereyga Maanta: salladan
tallaal (1) 1. Malaxda ka samysan cudur keenayaasha oo dhimaty oo oogada la geliyo ama lagu mudo, si cudur looga hortago oo guri looga noqdo. 2. Hawsha ama farsamada tallaalka lafteeda. 3. Geed yar oo meel laga rujiyo oo meel kale lagu beero. 4. Laba geed oo kala jaad ah oo inta mid laan ama cad laga gooyo midka kale dhexdiisa la geliyo oo lagu xiro, si labada geed u midoobaan oo inino hor leh oo kuwii hore ka wanaagsan u dhalaan.
tallaal (2) (daaw.) Dareere loo diyaariyay in lagu daweeyo ama lagaga hortago cudurrada ay dhaliyaan noolayaasha ili-ma-aragtayda ah.
tallaal (3) Tallaal ku samayn.
tallaalan (1) Wax la lallaalay noqosho.
tallaalan (2) Wax la tallaalay ahaansho.
tallaalid (1) eeg tallaal³.
tallaalid (2) (daaw.) Hab loo sameeyo ama loo kiciyo difaaca jirka oo liddi cudur ku ah iyadoo la adeegsanayo “tallaal”, ama diyaarin khaas ah ee walax antiijineed oo kicineysa sameynta antiiboodhiga ku ha-boon.
tallaalmid eegtallaalan¹.
tallaalnaan eeg tallaalan². ld tallaal-naansho.
tallaalnaansho ld tallaalnaan.
tallamid eeg tallan². ld tallan¹ (2).
tallan (1) 1. Laballaabow; shaki; walaac. 2. ld tallamid.
tallan (2) Ka t.: wax samayntooda ku fekerid.
talleeji ld kalleeti¹.
talli Saaruq.
tallooji ld kalleeti¹.
tallowsan ld tallaabsan.
tallowsanaan ld tallaabsanaan.
tallowsanaansho ld tallaabsanaan.
talmas (c.nafl.) Qayb ka tirsan maskax-horaadka lafdhabarleyda oo ku taalla aybotalamaska korkiisa. Waxay wararka dareenka u gudbisaa lakabyaga maskax horaadka, waxa kale oo ay ku shuqul leedahay u beddelidda gujooyinka dareemo wacyi leh.
talo Fikrad wax ku ool ah oo cid tuseysa sidii uu wax u qabsaan lahaa.
talqiin 1. (dii.) Hadallo duco iyo dardaaran isugu jira oo qof dhintay xabaashiisa lagu kor akhriyo. 2. Qof sakaraad ah oo towxiidka loo laqimayo. ld taqliin.
taltaal 1. Cid hawl ay hayso ka jeedin. 2. Balaayo cid ku dhicid.
taltaalid eeg taltaal.
taltalliini (riw.) Aktarka majaajillada sameeya oo dadka ka qososhiya.
taluul (1) Boor, qiiq iwm oo samada isku taaga.
taluul (2) Boor, qiiq iwm kor isu taagid.
taluulan (1) Boor, qiiq iwm wax kor isu taagay noqosho.
taluulan (2) Boor, qiiq iwm wax kor isu taagay ahaansho.
taluulid eeg taluul².
<< < 1413 1414 1415 1416 1417 1418 1419 1420 1421 1422 1423 > >>