Ereyga Maanta: qooshid
tuud Heen.
tuudi 1. Hal la rabo in la ogaado in ay rimantahay foori ugu yeerid. 2. Laf heen ka bixin.
tuudin eeg tuudi. ld tuudis.
tuudis ld tuudin.
tuudsasho eeg tuudso. ld tuudsi.
tuudsi ld tuudsasho.
tuudso Lafo iwm tuud kala bixid.
tuug (1) (tuug, m.dh) Nin wax xadid caadaystay.
tuug (2) Wax baryo lagu keenay.
tuug (3) Wax baryid; yaboohsasho.
tuugannimo Tuug ahaansho. ld tuugnimo.
tuugid eeg tuug². ld tuugmo.
tuugmo ld tuugid.
tuugnimo Tuug ahaansho. ld tuugannimo.
tuugo 1. Wax xadidda; tuugnimo; xatooyo. 2. Qof dheddig ah oo keli ah wax xadda. 3. Koox wax xaddo.
tuugsad ld tuugsasho.
tuugsasho eeg tuugso. ld tuugsad, tuugsi.
tuugsi ld tuugsasho.
tuugso Cid sadaqo weyddiisasho.
tuugtamid eeg tuugtan². ld tuugtan¹.
tuugtan (1) ld tuugtamid.
tuugtan (2) Si aad ah wax u baryid.
tuuji 1. Wax jilicsan oo diismaya calaacasha iyo faraha ku dhuujin si dheecaan iwm looga keeno. 2. Ooga bugta ama daallan daliigid ama rixid.
tuujin eeg tuuji.
tuujis (c.nafl.) Wejiga garaaca wadnaha, marka caloolyarooyinka wadnuhu isku soo ururaan si ay dhiigga ugu tuuraan halbowlayaasha.
tuul (1) ld tuur¹.
tuul (2) ld tuur³.
tuulan ld tuuran.
tuulid ld tuurid.
tuulimaad 1. (taar.) Qaybta ka mid ah oogada dhulka iyo gibilkiisa ee ay nafleydu ku noolan karto, amase, ay nafley du ku nooshahay. 2. (jool.) Dhigidda uu dhigo wakiil dabiici ihi adke uu sidey oo uu ka keenay meel kale ama fog. Tus. “Webiyadu waxa ay tuulaan dhoobo iyo quruurux, dabayluhuna ciid badan iyo boodh”.
<< < 1453 1454 1455 1456 1457 1458 1459 1460 1461 1462 1463 > >>