Ereyga Maanta: shukulan
uurxaad Geednagaar dooxooyinka ka baxa oo xooluhu daaqaan.
uurxaaran Qof aan cidna xumaan qalbiga ugu hayn ahaansho.
uurxaarnaan eeg uurxaaran. ld uur-xaarnaansho.
uurxaarnaansho ld uurxaarnaan.
uurxumaan eeg uurxun. ld uur-xumaansho.
uurxumaansho ld uurxumaan.
uurxumi ld uurxumo.
uurxumo Dabci aan wanaagsanayn oo qof leeyahay oo u diida in uu illaabo waxa loo geysto. ld uurxumi.
uurxun Qof aan cidna sama ka filaneyn ahaansho.
uuryaal 1. Xanuunka ay ummushu dareento marka ilmasidaheedu isku soo uruurayo. 2. (-llo, m.dh) Uurjiif. 3. Wax indhuhu aanay qaban karin.
uuryaro Uur aan caloosha ka muuqan wallacna dhaafay; bilayaro.
uus Cunnada nafaqada laga baxay oo ku jirta caloosha iyo xiidmaha (xoolaha daaqa).
uuslaho ld uusley.
uusley Caloosha xoolo daaqa; uuskujir. ld uuslaho.
uusmiir (1) ld uusmiirid.
uusmiir (2) Neef geel ah oo la qalay calooshiisa biyo ka miirid.
uusmiirad ld uusmiirasho.
uusmiiran (1) Wax la uusmiiray noqosho.
uusmiiran (2) Wax la uusmiiray ahaansho.
uusmiirasho eeg uusmiiro. ld uusmiirad.
uusmiirid eeg uusmiir². ld uusmiir¹.
uusmiirmid eeg uusmiiran¹.
uusmiirnaan eeg uusmiiran². ld uusmiirnaansho.
uusmiirnaansho ld uusmiirnaan.
uusmiiro Neef geel ah oo la qalay calooshiisa biyo ka miirasho.
uusxabaal Qof tuug ah oo ariga uu qasho hilibkiisa inta uu cuno mooyaane inta kale qarsha.
uuyo Meesha sagaaradu saaladeeda ku uruuriso.
uyaal magacuyaal.
w (wa') Xarafka kow iyo labaatanaad ee alifbada af soomaaliga waana shibbane.).
waa (1) Qurub lagu muujiyo waxa laga sheego yeelaha weerta. Tus. 'Cali waa yimid';'Ninkanu waa macallinka cusub ee dugsiga'.
<< < 1469 1470 1471 1472 1473 1474 1475 1476 1477 1478 1479 > >>