weer3 Weer xirasho. weeraami Weel subag ama caano fadhiyaa ku jiraan aayar u ruxid.
weeraamin eeg weeraami.
weerar1 Dagaalka ciidanka cadawga lagu dhufto, lagu bilaabo ama lagu qaado. weerar2 Cid duullaan ku qaadid. weerargal1 ld weerargelid. weerargal2 Col weerar qaadid. weerargelid eeg weerargal². ld wee-rargal¹.
weerarid eeg weerar². ld weerarniin.
weerarniin ld weerarid.
weerasho eeg weero.
weercalaan Bahal weerka iyo dawacada u dhexeeya.
weerdawac Bahal weerka iyo dawacada u dhexeeya.
weereyn (nax.) Qayb ka mid ah cilmi-afeedka oo ku shaqa leh qawaaniinta isku dhafta curiyeyaasha, yacni samaysanka weerta.
weerid eeg weer³.
weero Weer xirasho.
weershe Qof iin indhaha ku leh.
wees 1. Geed faalala oo xooluhu, siiba geelu daaqo oo ur aad u lifaaqoon leh. 2. Ballaar; waasac.
weesaggad Geed ur qurmoon oo jeerinka u eg.
weesaysad ld weesaysasho.
weesaysi ld weesaysasho.
weesayso Salaad ka hor weeso qaadasho.
weeso 1. (dii.) Mayrid la mayro xubnaha qaarkood oo faral ah,la'aanteedna ayan salaadu ansixi karin. 2. (dii.) Biyo yar oo xubnaha qaarkood lagu mayro si loo tukado. 3. (-ooyin, m.l) Ubbo. ld weyso.
weetee Qof ama wax joojin.
weeteyn eeg weetee.
weeyaan ld weeye.
weeye Qurub lagu muujiyo tiraab weereedka marka uusan fal ahayn. Tus. “Ninkanu macallinka cusub ee dugsiga weeye”. ld waaye, weeyaan.
wefdi ld wafdi.
wegdo ld wagdo.
wegen 1. Boqol fardo ah. 2. Xeyn; koox; horin.
page : 1505 of 1584
<< < 1500 1501 1502 1503 1504 1505 1506 1507 1508 1509 1510 > >>