wiriqle-aayooneed (kiim.) Wiriqle ka kooban ayoonada laba curiye ama in kabadan.
wiris Shimbir la shaqaysa herinta; maras.
wirwir1 1. Dhalanteed. 2. Socodka la socdo wakhtiga qorraxdu aad u kulushahay. 3. ld wirwirid. wirwir2 Wakhti qorraxdu aad u kulushahay socosho. wirwirid eeg wirwir². ld wirwir¹.
wisaayad ld wasaayad.
wishaar1 Doon ama markab cusub oo kolkaas dibedda iyo badda loo saaray. wishaar2 Wax duugoobay sidii uu hore u ahaa ka dhigid (guri, doon, iwm). wishaarid eeg wishaar².
wiswis1 1. Qof oo dooq adag leh. 2. ld waswaas¹. wiswis2 1. Dooq adag lahaansho.². ld waswaas². wiswisi 1. Cid wax kasta oo ay samayn lahayd ka shakisiin. 2. ld was-waasi.
wiswisid eeg wiswis². ld waswaasid.
wiswisin eeg wiswisi. ld waswaasin.
witir ld watar.
wiyeer 1. Biyo culus oo dhanaan yari ku jiro. 2. Biyo aan xareed ahayn. 3. ld wayeer.
wiyil1 Nafley aad u weyn oo labo gees wejiga ku leh, waxaa ku gaashaa-man harag aad u qiro weyn una adag. wiyil2 Nafley aad u weyn oo labo gees wejiga ku leh, waxaa ku gaashaa-man harag aad u qiro weyn una adag. woob Midab hurdi ah.
wood1 Cod doorasho. wood2 Cod cid lago dooranayo bixin. ld wootee. woodid eeg wood². ld wooteyn.
wootee ld wood².
wooteyn ld woodid.
woqooyi Jihada koofur u tusmaysan ama ka soo hor jeedda. ld waqooyi.
wow Magac carbeed oo tilmaama xarafka “w”.
wuqiyad ld wiqiyad.
wuxuush eeg waxash.
x (xa') Xarafka laba iyo labaatanaad ee alifka soomaalida, waana shibbane.
xaab1 1. Caleemaha dhirta oo inta engega geedka hoostiisa ku soo daata. 2. Uurkujir (oogada nafleyda). 3. Wax walba intooda xun.
page : 1513 of 1584
<< < 1508 1509 1510 1511 1512 1513 1514 1515 1516 1517 1518 > >>