Ereyga Maanta: codlaawe
xiiq3  Xiiq qabsasho; xuurtoodid. xiiqdheer1  Cudur qufac badan leh oo carruurta ku dhaca. ld kix. xiiqdheer2  (daaw.) Cudur la isqaadsiiyo ee muddo gaaban, inta badanku dhaca caruurta oo uu keeno caabuq (mucosa) xuubka malaaska ee cunaha baktiiriyumka loo yaqaan “bordatella pertussis”. Kalhuu-riska oo ah 1-2 toddobaad ka dib waxa bilowda xaako, qandho fudud, qufac iyo cunno xumo. Qufacu wuxu noqdaa mid soo noqnoqda soona kordha: qofacyo gaagaaban oo isku xigxiga waxa raacaya neef jeed khasab ah taas oo sameyneysa codkii kixda. Waxa sida badan dhacda dhiigbax sanka iyo afka ka yimaada iyo matag qufaca xiriirka ah ka yimaada. xiiqid  eeg xiiq².
xiiqlee  Aad u xiiqid.
xiiqley  ld hiiqley, xiiqdheer.
xiiqleyn  eeg xiiqlee.
xiiqsan  Wax xiiqay ahaansho.
xiiqsanaan  eeg xiiqsan. ld xiiqsanaan-sho.
xiiqsanaansho  ld xiiqsanaan.
xiir  Timo iwm gun ka jarid.
xiiran  Wax la xiiray ahaansho.
xiirasho  eeg xiiro.
xiirid  eeg xiir. ld xiirniin.
xiirimaad  ld xiirrimaad.
xiirnaan  eeg xiiran. ld xiirnaansho.
xiirnaansho  ld xiirnaan.
xiirniin  ld xiirid.
xiiro  Timo madax ama gar ka jarasho.
xiirrimaad  Gun ka jaridda timo iwm gunta laga jaro. ld xiirimaad.
xiis1  1. Xiisad. 2. Geed-abaareed aad u weynaada oo xabag udgoon (guubali) leh. xiis2  1. (f.g) Xargo dhowr ah isku soohid. 2. (f.mg) U x.: wax u hiloobid. xiisaan  Cad maro ah oo dhuuban oo askartii hore dhexda ku xiran jireen.
xiisad  1. Biya ama dabayl si xooggan u socda. 2. (-do, m.l) Qas iyo qalaanqal xasil-loonida degaan wax u dhima.
xiisadhac  Ka x.: wax rabiddooda dhumin; xiiso wax loo qa-bay lumin.
xiisadhicid  eeg xiisadhac.
xiisayn  eeg xiisee.
xiisee  Wax araggooda ama heliddooda aad u rabid.
xiisid  eeg xiis².
xiiso  Wax la jeclaan jiray, kolka danbe oo la helo, rabitinka la iska dareemo ama loo qaado ama lagula dhaco.
page : 1553 of 1584
<< < 1548 1549 1550 1551 1552 1553 1554 1555 1556 1557 1558 > >>