dhuunbuur Buntuq, lix xabbabood qaada oo xabbad-keliyaale u dhaca; dhoombir.
dhuundalool U dh.: arrin xog-ogaal u noqosho.
dhuundaloolid eeg dhuundhalool.
dhuundhaban Neef geel ah wax gowracan ahaansho.
dhuundhas Dareere ama neef xoog u diisan oo ka soo baxaysa dhuun af-yar kana dhalata nakhaska (qashinka) ay tuurayaan marwaxadaha neefeed.
dhuundhaw (1) 1. Gowricidda neef geel ah la gowraco. 2. ld dhuundhebid .
dhuundhaw (2) Neef geel ah gowricid.
dhuundhebid eeg dhuundhaw². ld dhuundhaw¹ (2).
dhuundhuumasho eeg dhuundhuumo. ld dhuudhuumasho.
dhuundhuumashow Cayaar carruurtu cayaarto oo hadba inta qaar dhuunto qaarka kale doondoonaan. ld dhuudhuumashow.
dhuundhuumid eeg dhuundhuun². ld dhuundhuun¹ (3).
dhuundhuumo 1. Dhuundhuumashow ciyaarid (carruur). 2. Isqarqarin; gaggabbasho. ld dhuudhuudhuumo.
dhuundhuun (1) 1. Hilib aad loo daahiyay. 2. Miro aad u bisil. 3. ld dhuundhuumid.
dhuundhuun (2) 1. Wax bisayldhaaf ah noqosho (hilib). 2. Wax aad u bisil noqosho (miro).
dhuungoo 1. Nafley dilid; qurgoyn. 2. Cunaqabatayn.
dhuungoyn eeg dhuungoo.
dhuuni (1) 1. Cuntada dadku cuno. 2. Qof cuntada ku mamman.
dhuuni (2) Qof cunnasiin.
dhuunidoon Qof raadinaaya cunto uu ku noolaado kaliya; hunguridoon.
dhuunirraac Qof hadba meeshii uu moodaayo in dani ugu jirto isxijiya ee aan ceebta anshaxa iyo dhaqan-wanaagga midna eegin.
dhuunirraacnimo Dhuunirraac ahaansho.
dhuunqabad 1. Cudur ku dhaca geedka meseggada ama galleyda oo u diida in uu sabuulku baxo. 2. ld dhuunqabasho.
dhuunqabasho eeg dhuunqabo. ld dhuunqabad (2).
dhuunqabo 1. Nafley ceejin. 2. Cid cunaqabatayn.
dhuuntow Cudur qanjirrada dalqada ku dhaca; majin; qun.
dhuunxir Dh. ah: nooc garka ka mid ah oo ka baxa cunaha korkiisa.
dhuunxiran Xabeebid.
dhuunxirmid eeg dhuunxiran.
dhuunyaale 1. Nooc ka mid ah dhurde. 2. (-layaal, m.l/dh) Qof cunna jecli awgeed meel walba u gala.
dhuunyeeri Ruux bixidda ka hor si gaar ah u yeerid (neef geel ah).
<< < 159 160 161 162 163 164 165 166 167 168 169 > >>