Ereyga Maanta: aftir
buul 1. Aqal yar oo aan hab wanaagsan u dhisnayn. 2. Aqal shimbir. 3. Dhullax, kasoobax.
buulallo 1. (u) Godadka quraanyada. 2. (daaw.) Finan yaryar, badan oo oogada dadka ka soo baxa.
buulalloobid eeg buulallow.
buulallow Dub biyo gelid xanuun awgiis.
buulcaws Hooy yar oo ka samaysan caws iyo qoryo la isa saaray.
buulley (1) Qayb ka mid ah heerka koritaanka cayayaanka qaarkood.
buulley (2) (c.nafl.) Heerka saddexaad ee koritaanka meerta nololeedka qaar ka mid ah cayayaanka. Heerka b.da quudashada iyo socodkuba way joogsadaan, waxaana dhaca isbeddelka uu caydigu isu beddelayo qaangaadh.
buulo Degaan buulal badan ka dhisanyihiin; tuulo.
buumbuuni War dhacdo iwm intooda runta ah been badan ku darid.
buumbuunin eeg buumbuuni. ld buumbuunnis.
buumbuunis ld buumbuunin.
buun Bocool weyn ama dhuun dheer oo kolkii la afuufo dhawaaq dheer ka soo baxo.
buundo 1. Dhisme laga dul dhiso webi iwm oo lagaga gudbo. 2. Dhibic, darajo. ld buunto.
buuni B. ah: qof aad u aqoon badan; mufti.
buunshabbaxsan Wax buunshe laga saaray ahaansho (badar).
buunshabbaxsanaan eeg buunshabbaxsan. ld buunshabbax-sanaansho.
buunshabbaxsanaansho ld buunshabbaxsanaan.
buunshabbixi Badar si buunshaha looga saaro tumid.
buunshabbixin eeg buunshabbixi. ld buunshabbixis.
buunshabbixis ld buunshabbixin.
buunshe Qolofka sare ee jilicsan ee ku dahaaran badarka; xashir. ld buunsho, buushe.
buunsho ld buunshe.
buunto ld buundo.
buuq (1) 1. Hadal ama cod dheer oo nafley badan isku mar sameyso. 2. Dad ama xoola badan oo meel isugu yimid.
buuq (2) (fiis.) Jabaq kasta oo dad dhiba; waxa lagu qiyaasaa iskeelka desibal oo u dhexeeya heerka maqalka ugu hooseeya (0dB) iyo heerka dhawaaqa maqalku xanuuniyo (130dB). Dhawaqyo maqalka qasa oo dhexgala liid rakaad ee marin sigaarsiin.
buuq (3) 1. Nafley badan, hadal ama cod badan isku mar sameyn. 2. Dad ama xoolo badan meel isugu imaansho.
buuqid eeg buuq³.
buur (1) 1. Wax sida dhagax ciid iwm oo inta la is-dul-saaray dhulka ka yare kacsan. 2. Cuf dhul ah oo in door ah ka sarreeyo dhulalka ku wareegsan kana joog dheer gunbur.
buur (2) 1. Wax sida ciid, dhagxaan iwm meel tuurid. 2. Afka b.: caro darteed la aamusid (qof).
buur barafeed Cuf baraf dhuleed oo ka sammaysmay dhammaadka baraf weyne ama baraf gogol. Buur baraftu waxay dul sabbaysaa badda.
<< < 175 176 177 178 179 180 181 182 183 184 185 > >>