Ereyga Maanta: jacbursi
caraatamid eeg caraatan². ld caraatan¹.
caraatan (1) Kaftan suugaaneed cay ah oon laga caroon oo wiilasha iyo gabdhaha isdhaafsata; yooyootan. ld caraatamid.
caraatan (2) Kaftan suugaantiisu sarreyso laba dhallinyaro (wiil iyo gabar) ama ka badan isdhaafsasho.
carab (carab, m.dh) 1. Qof sinjigiisa ka soo jeeda ummadda uu nabiga u dhashay. 2. Midab lo'da iyo riyuhu yeeshaan oo casaan iyo caddaan isbarxay ah.
carabayn eeg carabee. ld carabiyeyn..
carabbaabba' (1) Degganaan ka muuqata qof caro haysay ka tirantay..
carabbaabba' (2) Qof caro haysay ka tirmid..
carabbaabbi'id eeg carabbaabba'².
carabcad Neef ido ah oo wada cad; shiikh.
carabee 1. Cid dhaqankeeda iyo luqaddeeda mid carbeed ka dhigid. 2. Cid carab iska yeelid. ld carabiyee.
carabi (1) Af ay dadka carbeed ku hadlaan.
carabi (2) Nooc kalluunka ka mid ah.
carabiyee 1. (f.mg) Af carbeedka ku hadlid. 2. (f.mg) Carab is macnayn. 3. (f.g) ld carabee. ld carabee.
carabiyeyn eeg carabiyee. ld carabayn.
carablaay Haweenay aan karin ereyada qaarkood sida loogu dhawaaqo.
caraboobid eeg carabow.
carabow Carab noqosho.
caraceli Haweenay dudday gurigeedii ku celin iyadoo la raalli gelinayo.
caracelin eeg caraceli.
carad 1. Qof aad u gaboobay. 2. ld carasho.
caradhaban Xanuun hanfaf leh oo oogada laga dareemo.
caradhow Qof dhaqso u xanaaqa ahaansho.
caradhowaan eeg caradhow. ld caradhowaansho.
caradhowaansho ld caradhowaan.
caradugaag Cudur eyga ku dhaca oo ku khasba in uu qaniino dadka iyo xoolaha.
caraf (1) Ur udgoon oo la jeclaysto.
caraf (2) Ur carfoon soo udgid.
carafudayd ld carafududaan.
carafudud Qof dhaqso u xanaaqa ahaansho.
carafududaan eeg carafudud. ld carafudayd, carafududaansho.
<< < 216 217 218 219 220 221 222 223 224 225 226 > >>