afdoolin ld aftoolin.
afduub1 1. Xoog iyo khasab cid lagu kaxaysto si wax loogu madax furto ama dan gaar ah loogu fushado. 2. Afsaab. 3. ld afduubid. afduub2 1. Xoog ama khasab cid ku kaxaysasho si wax loogu madax furto ama dan gaar ah loogu fushado. 2. Af (dad ama xoolo) wax ugu duubid. afduuban Wax la afduubay ahaansho.
afduube Qof afduub sameeya.
afduubid eeg afduub². ld afduub¹ (2).
afduubnaan eeg afduuban. ld afduubnaansho.
afduubnaansho ld afduubnaan.
afee Qalab wax lagu gooyo af u yeelid.
afeef Hadal, kolka la doodayo la hormarsado, og waxyaalo la oran doono marmarsiinyo looga dhigo, ama waxyaalo laga baqayo soo qaadkood lagu gudbo.
afeefad ld afeefasho.
afeefasho eeg afeefo. ld afeefad.
afeefo Ka a.: cid arrin khuseysa afeef ka yeelasho.
afeeftamid eeg afeeftan.
afeeftan Ka a.: arrin afeef ka samayn.
affur1 1. Cunnada la cuno kolka qorraxdu dhacdo bisha soonqaad. 2. ld affurid. affur2 1. Soonka jebin. 2. Cunnada affurka cunid. affuran Aan soommanayn. ld afuran, afursan.
affuri 1. Dad ama qof soomman affuro siin. 2. Soon ka jebin. ld affursii.
affurid eeg affur². ld affur¹ (2), afur¹, afurid.
affurin eeg affuri. ld affursiin.
affurnaan eeg affuran. ld affurnaansho, afurnaan, afurnaansho,afursanaan.
affurnaansho ld affurnaan.
affursii ld affuri.
affursiin ld affurin.
afgaab Cudur dadka ku dhaca oo oogada sida furuqa nabarro biyo leh u yeela.
afgammuur1 1. Qalab af fiican oo wax lagu mudo ama lagu gooyo leh laakiin af beelay. 2. ld afgammuurid. afgammuur2 Wax af beelay ka dhigid. ld afgammuux², afgamuur², afgamuux². afgammuuran1 Wax af beelay noqosho (qalab af fiiqan). ld afgammuuxan¹, afgamuuran¹, afgamuuxan¹. afgammuuran2 Wax af beelaay ahaansho (qalab af fiiqan). ld afgammuuxan², afgamuuran², afgamuuxan².
page : 24 of 1584
<< < 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 > >>