ceeb Sharaf darro ka timaada fal ama hadal anshaxdarro ah oo qof ku kaco. ld ceebaal.
ceebaal ld ceeb.
ceebayn eeg ceebee.
ceebee Wax ceeb u yeelid.
ceebla'aan Daacadnimo, aaminnimo.
ceeboobid eeg ceebow.
ceebow Wax ceebi ku dhacday noqosho.
ceed ld cayd.
ceedan ld caydan.
ceedbax ld caydbax.
ceedbixid ld caydbixid.
ceednaan ld caydnaan.
ceednaansho ld caydnaan.
ceegaag (1) ld ceegaagid.
ceegaag (2) C./ka c.: balli, weel, xero iwm buuxid (biyo, caano, xoolo iwm).
ceegaagid eeg ceegaag². ld ceegaag¹.
ceego Si xoog leh oo nafley cunaha looga qabto si neeftu ugu joogsato; miijis. ld ceejo, ciiq, ciiqo¹ (2).
ceegsan Wax la ceejiyey ahaansho.
ceegsanaan eeg ceegsan. ld ceegsanaansho.
ceegsanaansho ld ceegsanaan.
ceeji Nafley neefta ku celin. ld ciiji, ciiqee (2).
ceejin eeg ceeji. ld ciijin.
ceejo ld ceego.
ceel (1) God la qoday oo hoos u dheer oo laga helo biyo iwm.
ceel (2) (jool.) Il-biyood dhulka hoostiisa ah oo lagu helay riig oo laga qoday oogada dhulka ilaa oogada biyaha hoose, biyahaa waxa markaa loo soo saaraa ama loo soo afuufaa oogada dhulka. Haddii ceel ka hoos maro oogada biyaha hoose xilliga qoyaanka, oo aanu aad hoos uga dhicin oogada biyaha hoose ee joogtada ah, wuxuu biyo yeelanayaa xilliga qoyaanka, haddii uu gaaro oogada biyaha hoose ee joogtada ah, dabadeed weligii biyo ayuu yeelanayaa.
ceelaljoog 1. Rag xoolaha ceelka u jooga oo waraabiya. 2. Nooc shimbiraha ka mid ah oo badanaa aan laga ag waayin meelaha biyaha leh.
ceelalyo Qofka ama dadka xoolaha aroor ah uga sii hora mara ceelka si uu ugu diyaariyo kaalin iyo biyo.
ceelgee Xoolo aroorin.
ceelgeeye Muruq weyn oo cududda geela labada dhinac uga jira.
ceelgeyn eeg ceelgee.
<< < 238 239 240 241 242 243 244 245 246 247 248 > >>