Ereyga Maanta: liifmid
farammaroorso  ld farammarooqso.
farammayr  ld faraxal¹.
farammayrasho  ld faraxalasho.
farammayro  ld faraxalo.
farammuggo  ld farammaggooggo.
faran1  ld fartoon. faran2  1. Wax farriin la faray ahaansho. 2. Wax fandharan ahaansho (nabar). farandulle  Orod labada gacmood iyo labada addin dadku ku ordo. ld firindiglo.
farandullee  Lugo iyo gacmo wada jira ku ordid (dad). ld firindiglee.
farandulleyn  eeg farandullee. ld farandulleys, firindigleyn, firinndigleys.
farandulleys  ld farandulleyn.
faranfar  (c.nafl.) Naasley yar, god uu dhulka ka qotay ku nool oo leh laba ilig oo dhaadheer iyo af dhuuban. ld ferenfer.
faranfardayn  eeg faranfardee.
faranfardee  1. Faranfardo samayn, birinbirqayn. 2. Kor u boodboodid (siiba kalluunka marka biyaha laga soo saaro).
faranfardo  Orod boodboodid leh oo ay sameeyaan xoolaha iyo carruurtu xilliyada barwaaqada ah.
faranji  ld ferenji.
faranjiyad  ld ferenjiyad.
farankaboolo  Waraq boosto ee yar oo lagu dhejiyo baqshadaha dushooda.
Faransiiska  Faransiiska (Af-Faransiis: La France; Af-Carabi: فرنسا) sida dowliga ah loo yaqaano Jamhuuriyadda Faransiiska (Af-Faransiis: République Française; Af-Carabi: الجمهورية الفرنسية) waa dalka mid ah dalalka kuyaala galbeedka qaarada Yurub. farnsiisku waxa uu kakoobanyahy dhul kal fog fog iyo jasiirado kuyaala goobo aad uga fog dhulwaynaha faransiiska waxa kale oo farnsiiska kamida halka looyaqaano Faransiis Guyana iyo jasiirado aad ubadan oo cidhifyada caalamka kuyaala dadka wadanka farnsiiska udhashay waxa wadankooda ay uguyeedhaan (Hexagone) oo macneheedu tahay Lix geesood. Caasimadiisuna waa Baariis (Paris)
faraq1  1. Daliigo yaryar oo badan oo laamaha geeduhu yeeshaan; raamo. 2. Dun soohan ama wax u eg oo maryaha dacalkooda iyo alaabadii kaloo la qurxina hayo loo yeelo oo laga lullulo; bul; taarash. faraq2  (xis.) Inta ay laba xaddi is-dheeryihiin ama jawaabta la helo marka laba xaddi ama tibaax la kala gooyo. ld farqi. faraqaad  1. Qaadidda raadka faraha siiba kuwa gacanta iyada oo lagu sameeynayo xaanshi iwm dushooda si dembi iwm ee uu qofku galay loo raadsho. 2. ld faraqaadid.
faraqaad1  1. Dagaal lays farasaaro. 2. Tuugo aan weynayn. 3. Qof baara faraha dadka dembiyada lagu soo eedeeyo. 4. ld faraqaadid. faraqaad2  U f.: cid dagaal ku billabid. faraqaadid  eeg faraqaad². ld faraqaad¹ (4).
faraqabsi  1. Ul yar, dhagax iwm oo la qaato si aan loo fara marraan. 2. Lacag yar oo cid safrayso la siiyo.
faraqaris  Cabbir da'mada roobka lagu cabbiro oo rays-qotonku faraha dhexdooda le'egyahay. ld faraqarrar¹ (3).
faraqarrar1  1. Fantaxda u dhaxeysa faraha nafleyda. 2. Cudur faraha dhexdooda ku dhaca oo dhaliya dhaawac xanuun badan. 3. ld faraqaris. faraqarrar2  Faraha dhexdooda nabarro ku yeelasho. faraqarrarid  eeg faraqarrar².
page : 27 of 73
<< < 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 > >>