karkabadee ld karkabee.
karkabayn eeg karkabee. ld karka-badayn.
karkabee Cid hawl qabashadeed inay dedejiso ku dirqin. ld karkabadee.
karkabeyn eeg karkabee. ld karka-badeyn.
karkabeysan Cid wax degdeg ku jiro ahaansho.
karkabo Ku dirqinta hawl qabasha-deeda lagu dirqiyo cid iney si degdeg u qabato. ld karkabad.
karkar 1. Tolmo lagu sameeyo dhar iwm. oo meelo badan ka dildillaacay. 2. K. ah: qof dirac ah. 3. Karka iyo rogmashada biyaha iyo waxii la mid ah oo kululaada.
karkarid Karkar badan u yeelid.
karkarin 1. Dhowr jeer karin. 2. Kar-kar gaarsiin (biyo iwm).
karkoor Dhul dhagax badan leh.
karmaandho Kalluunka badda nooc ka mid ah.
karmayn eeg karmee.
karmee 1. Meel laba xiddigood u dhaxeysa oo aan midna u bursanayn fariisasho (dayax). 2. Maro iwm. karmo u yeelid.
karmid eeg karan³.
karnaan eeg karan4. ld karnaansho.
karnaansho ld karnaan.
karniimo ld karniin.
karniin 1. ld karniimo. Awood; karti. 2. (-iimmo, m.dh) Kar; kab; nud.
karo Maro, darbaal iwm oo meeli ka daloosho karin saarasho.
karood1 1. Cudur si degdeg ah wax u dila; habaar. 2. Dhul taag ah, dhagax leh oo dhirtu ku yartahay. 3. ld baroodid. karood2 1. Cudur nafley degdeg u dilid. 2. ld barood². karoodid ld baroodid.
karoor1 1. Meel dhisan oo lagu kaydiyo dalagga ka soo go'a beeraha, kana samaysan tiirar kor loo dhisay dushana laga saaray caws iyo hargo. 2. Wax badan oo lays dulsaaray. karoor2 Wax badan is dul saarid. karoorad ld karuurasho.
karooran Wax badan oo lays dul saaray ahaansho.
karoorasho ld karuurasho.
karoorid eeg karoor².
karoornaan eeg karooran. ld karoor-naansho.
karoornaansho ld karoornaan.
page : 28 of 73
<< < 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 > >>