Ereyga Maanta: mataxan
curraafis ld curraafeyn.
curraafiye ld curraaf¹.
curraf ld curraaf¹.
currafee ld curraafee.
currafeyn ld curraafeyn.
currafi ld currafee.
currafin ld curraafeyn.
currafis ld curraafeyn.
curre Bisad ama mukulaal lab. ld curri.
curri ld curre.
curub Doog aad u jilicsan.
curuf 1. Dhib; shiddo. 2. ld curfi.
curun Xirmo xaskul, caws, mayrax iwm. ah.
curuq (1) 1. Laab ama guntin yar oo gala wax la tolayo. 2. Xanuun yar oo laga dareemo murqaha iyo seedaha kolka fadhi lagu raago. 3. ld curqid.
curuq (2) 1. Shay la tolay ama la falkiyey guntiin yeelasho. 2. Kaddib markii fadhi lagu raago xanuun yar murqaha ka dareemid. Tus. “Lug baa i curuqday”.
curuuq Xididdada yaryar ee dhiigga qaada.
curyaami 1. Curyaan ka dhigid. 2. Hawl, arrin iwm xannibid.
curyaamid eeg curyaan².
curyaamin eeg curyaami. ld curyaamis.
curyaamis ld curyaamin.
curyaan (1) 1. Qof labada lugood beelay. 2. Hawl socon waayday.
curyaan (2) Qof labada lugood beelid.
curyaanad Qof haween ah oo labada lugood la'.
curyaannimo Curyaan ahaansho.
curyaansan 1. Qof xanniban oo wax u suurtaggeli waayeen ahaansho. 2. Hawl, wax xannibaadi gashay ahaansho.
curyaansanaan eeg curyaansan. ld curyaansanaansho.
curyaansanaansho ld curyaansanaan.
cusayb 1. Wax jiritaankiisu markaa ugu horreyso. 2. Waxaan weli la isticmaalin. 3. ld cusbaan.
cusbaan eeg cusub. ld cusayb (3), cusbaansho.
cusbaansho eeg cusbow. ld cusbaan.
<< < 269 270 271 272 273 274 275 276 277 278 279 > >>