Ereyga Maanta: boolicun
da'yar (2) Wax muddo yar jiray ahaansho (nafley).
da'yaraan eeg da'yar². ld da'yaraansho, da'yari, da'yaro.
da'yaraansho ld da'yaraan.
da'yari ld da'yaraan.
da'yaro ld da'yar¹; da'yaraan.
daa 1. Wax xannibnaa faraha ka qaadid. 2. Hawl la hayay faraha ka qaadid. 3. Wax la caadaystay joojin. Tus. “Waxaa fiican inaad sigaarka dayso”.
daa'imi Fal samayntiisa joogtayn. ld daayimi.
daa'imid eeg daa'in. ld daayimid.
daa'imin eeg daa'imi. ld daa'imis, daayimin, daayimis.
daa'imis ld daa'imin.
daa'imo Ilmo yar oo aabbihiis dhintay; agoon.
daa'in (1) Sifo Eebbe oo tilmaamayso suulid la'aantiisa. ld daayin¹.
daa'in (2) Fal samayntiisa joogtaysasho; ku waarid. ld daayin².
daa'iro Ayaan cidiba mar hesho.
daab (1) Qori ama bir la qabsado oo ku rakiban qalab goynta, jebinta, qodidda iwm loo adeegsado.
daab (2) 1. Cudur leh shuban oo ku dhaca dhasha xoolaha markay dambar badan nuugaan. 2. ld doog².
daab (3) Qalab goynta, jebinta, qodidda iwm loo adeegsado, qori ama bir la qabsado ku rakibid.
daabac (1) 1. Duub dun ah oo maryaha lagu xardho. 2. Dhar dun lagu xardhay. 3. (-cyo,m.dh) Meesha ay iska galaan daabka iyo birta toorreyda. 4. ld daabicid.
daabac (2) 1. Xarar ku qurxin dhar iyadoo la adeegsanayo dun midabyo leh ama rinjii. 2. Qoraallo madbacadayn.
daabacaad daabacaad m.dh 1. Gelinta qoraal madbacad la geliyo. 2. Qoraal inta hal mar la daabaco. ld daabicid.
daabacan 1. Maro, wax dabac lagu qurxiyay ahaansho. 2. Qoraal, wax la madbacadeeyay ahaansho.
daabacnaan eeg daabacan. ld daabacnaansho.
daabacnaansho ld daabacnaan.
daabad Ninka tababbarka bilowga ah qaatay xagga ugaadhsiga, welise aan heer fiican gaarin.
daabax (1) 1. D. ah: neef xoolo ah oo qalliin ku habboon. 2. D. ah: hilib aan tamooti ahayn. 3. ld daabaxid. ld dabaax¹, dabax¹, dibaax, dubaax.
daabax (2) Neef xoolo ah gawricid. ld dabaax², dabax².
daabaxid ld daabax¹ (3), daabixid, dabaax¹, dabaaxid, dabxid
daabbad 1. Neef xoolo ah oo la rarto ama la fuulo. 2. Nafley weyn oo la rumeysanyahay inay badda ku jirto, balse aan weligeed la arag.
daabbadqaad Nafley weyn oo badda ku nool.
daabbul Dad, xoolo, alaab iwm oo badan si degdeg ah u daadgurayn.
<< < 273 274 275 276 277 278 279 280 281 282 283 > >>