karooro ld karuuro.
karooto Nooc qudaarta ka mid ah oo leh bari cas oo cunta lagu darsado; dabacase.
karraani Qof xafiis, dukaan iwm ka shaqeeya oo wixii qorid u baahan qora.
karrays Luqunta iyo feeraha lafta u dhexeysa, garbahana kala reebta.
karraysad ld karraysasho.
karraysi ld karraysasho.
karrayso 1. Meel dhibaato leh meel ka fiican ka doorsasho. 2. Jirro ka bogsasho.
karreeb 1. (u) Geel dhalay oo ubadka xerada looga reebay. 2. (-bo, m.l) Warqad meel loo qoray koobiga ka hara.
karriin ld garriin.
karriinlarroor 1. Degdeg badan. 2. Qof degdegsiinyo badan.
karro Geed-gaab aan qodax lahayn oo miro la cuno iyo laamo laga qoro fandhaalada iwm leh; hamir, himir.
karsad Badar iwm qashin ka saarasho. ld karsasho.
karsan Wax la kariyey ahaansho.
karsanaan eeg karsan. ld karsa-naansho.
karsanaansho ld karsanaan.
karsasho eeg karso. ld karsad, karsi.
karshimi Hilib aad u bislayn.
karshimid eeg karshin².
karshin1 Hilib aad loo bisleeyey. karshin2 Hilib wax aad loo kariyey noqosho. karsi ld karsasho.
karsii Qof wax ku dhib ah in uu ku dhawaaqo u suurtaggelin.
karsiin eeg karsii.
karso Wax dab iyo biyo ku bislaysasho.
karti Awood u suurtaggelineysa qof inuu hawl si fiican u qabto.
kartidarro Karti yaridda uu qof leeyahay oo u diidda in uu hawl si fiican u fuliyo. ld kartixumo, kartili'i.
kartili'i ld kartidarro.
kartixumo ld kartidarro.
karuur1 Tuuridda alaab iwm meel la tuuro. karuur2 Caano geel oo dhanaan.
page : 29 of 73
<< < 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 > >>