sanaag Dhul buuraley ah.
sanaani Xayawaan yar oo bacool ku dhex jira lehna faro uu wax ku qabsado oo badda ku nool lana cuno oo leh qanjiro dhala wax khad madow la moodo oo uu ku kaydsado kolay yar oo oogadiisa ku yaal.
sanac Wax nasiib wanaagsan.
sanad ld sannad.
sanagguuro ld sannadguuro.
sanam Wax laga sameeyey dhagax, qori iwm oo dadka qaarkiis caabudaan.
sanan Waxyaabo aan cilmi ku dhisnayn oo badanaa la rumaysto lagana baqdo. ld senen.
sanbab ld sambab.
sanbuur Duub jilicsan oo maro iwm ka samaysan oo haweenka dhabarka wax ku qaadaa sabarka ku xirtaan si uu culayska uga celiyo.
sancan Wax nasiib wanaagsan ahaansho.
sancanaan eeg sancan. ld sanca-naansho.
sancanaansho ld sancanaan.
sancayn eeg sancee. ld sancays.
sancays ld sancayn.
sancee 1. Wax samayn. Tus. “Cali baa dhob dheri ka sanceeyey. 2. Wax daaweyn”.
sanco 1. Si aqoon iyo tab ah oo wax loo qabto; farsamo. 2. Nabar-rada iyo cudurrada oo si aqoon leh loo daweeyo. 3. Aqoon hawl gaar ah loo leeyahay; xirfad.
sandaal 1. Gafuurka xoolaha. 2. Hoggaan.
sandahan Qof, qof kale wax siintiisa u jajaban.
sandahnaan egg sandahnaan. ld sandahnaansho.
sandahnaansho ld sandahnaan.
sandal 1. Geed dheer oo ka baxa Aasiya, Ostaraaliya iyo jasiiradaha Badweynta Deggan oo udgoon, waxaana laga sameeyaa santuukhyada qoraalka lagu xardho, ulaha babbisyada iyo saqafaha. 2. Dhir udgoon iyo saliid la isku qooshey oo raggu oogada marsado.
sandaleele Qof hoodaddo sameeya. ld sandameeme.
sandaleelee Qof hoodaddeyn.
sandaleeleyn eeg sandaleelee.
sandameeme ld sandaleele.
sandulle 1. Dalool sanka lo'da laga dalooliyo oo bir laga geliyo si xarigga lagu hoggaaminayo loogu xiro. 2. S. ah: qasab; xoog.
sandullee Cid qasbid.
sandulleyn eeg sandullee. ld sandulleys.
sandulleys ld sandulleyn.
sandulleysan Nafley wax la sandulleeyey ahaansho.
<< < 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 > >>