Ereyga Maanta: gurguurto
hangaggurree  1. Canaan kulul cid u jeedin. 2. Qof si sir ah u waxyeellayn.
hangaggurreyn  eeg hangaggurree. ld hangaggurro.
hangaggurro  1. Canaan kulul oo cid loo jeediyo. 2. Si qarsoodi ah oo cid loo waxyeelleeyo. ld hangaggurreyn.
hangal1  ld hanqal¹. hangal2  Maro cad oo ay in muddo ah xirato haweeney ninkeedii dhintay; asay. ld hengel². hangalle  Orod hal lug lagu ordo.
hangallee  Hangalle samayn.
hangalleyn  eeg hangallee. ld hangalleys.
hangalleys  ld hangalleyn.
hangaraarac  Cayayaan yaryar oo lugo badan leh, oogadiisuna leedahay girgiro, midabkiisuna yahay madow. ld hanqaraarac.
hangaralle  Harraan, dibqallooc, hanraar.
hangool  Qalab qori oh oo labo gantood iyo gar soo godan leh oo reermiyigu xoolaha ku ootaan. ld hankool.
haniye1  Labada carrab oo yaryar oo ku yaal qalalka wadnaha: dhiigga wadnaha soo gelaya ayay soo daayaan oo soo wareegaan inuu dib u noqodana u diidaan. haniye2  (c.nafl.) Sooh qaab gaar ah leh oo ay xubnaha qaarkood oo qaab dhuumeed leh u yaal ama meelo ciriiriya socoshada dareere dhex maraya, xubnahaas oo hal jiho oo keliya oo sii deynaya. Gufafku waxay lagama maarmaan u yihiin: aroorrada, wadnaha iyo xididdada liinfada. haniye-seddex-faraale  (c.nafl.) Gufka u dhexeeya qolqolka sare ee midig iyo qolqolka hoose ee midig, wuxuu leeyahay saddex farood oo u sii daaya dhiigga ka yimaada qolqolka sare in uu ku shubmo qolqolka hoose, wuxuuna celiya in dhiigu kor u soo noqdo.
hanjab  U h.: qof u cagajuglayn. ld hanjan.
hanjabaad  Ereyo iyo cagajuglayn cid lagu cabsi gelinayo. ld hanjabid.
hanjabid  eeg hanjab. ld hanjabaad, hanjabo, hanjamaad, hanjamid, hanja-mo.
hanjabo  ld hanjabid.
hanjaleeli  Hanjaleelo ama diliq ka keenid (carrurr).
hanjaleelin  eeg hanjaleeli. ld hanjialeelis.
hanjaleelis  ld hanjaleelin.
hanjaleelo  Matag yar oo sida badan carruurta caananuugga ah ka yimaada; diliq.
hanjamaad  ld hanjabid.
hanjamid  ld hanjabid.
hanjamo  ld hanjabid.
hanjan  ld hanjab.
hanjeel  Da'yaraan ku dhimasho (dad iyo xoolo).
hanjeeli  Nafley da'yar ku dilid.
hanjeelid  eeg hanjeel.
page : 30 of 93
<< < 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 > >>