kashif2 1. Wax la qariyey sheegid. 2. Cid fadeexo ku sameyn. kashifaad ld kashifid.
kashifan1 1. Wax qarsoonaa oo la sheegay noqosho. 2. Wax la ceebeeyey noqosho. kashifan2 1. Wax qarsoonaa oo la sheegay ahaansho. 2. Wax la ceebeeyey ahaansho. kashifid eeg kashif². ld kashif¹ (3), kashifaad.
kashifmid eeg kashifan¹.
kashifnaan eeg kashifan². ld kashif-naansho.
kashifnaansho ld kashifnaan.
kashiiddo ld kashiito.
kashiisho Badar la shiiday oo la karshey oo lagu cuno sanuunad ama caano; soor. ld gashiisho.
kashiito Nafley caws ku nool ah oo leh qodxo dhaadheer oo midabbo caddaan iyo madow isugu jira leh, beerahana aad u waxyeelaysa; yaadaddo; dhiddo; caanaqub.
kashkaash1 Caws nagaar iwm oo aqallada lagu goglo, si reyska gogosha looga xijiyo. kashkaash2 Caws, nagaar iwm aqal ku goglid. kashkaashad eeg kashkaasho.
kashkaashan Wax la kashkaashay ahaansho.
kashkaashid eeg kashkhaash². ld kashkaashis.
kashkaashis ld kashkaashid.
kashkaashnaan eeg kashkaashan. ld kashkaashnaansho.
kashkaashnaansho ld kashkaash-naan.
kashkaasho Aqal kashkaash ku goglasho.
kasid eeg kas².
kaskaasbax1 Xaalad liidatey oo horey loogu jirey oo laga soo fiicnaado. kaskaasbax2 Xaalad hore oo liidatey oo lagu jirey ka soo fiicnaansho. kaskaasbixid eeg kaskaasbax².
kaslaan Qof aan hawsha jecleyn; caajis.
kasmo Awood maskaxeed wax lagu kala garto.
kasoobbax1 Nabar weyn oo oogada ka soo baxa oo caalir leh. kasoobbax2 (daaw.) Nabar sida qaalibka ah ka weyn kasoobax kuna oolli kara jirka sare iyo uurkujirtadaba. kasoobbax-naas (daaw.) Halaamacoodka naaska oo sida badan uu keeno baktiiriya ka soo gala ibta.
kasoofeen Caano dhay ah oo aan weli isbeddelin. kasta s. Mid walba oo ka mid ah wax wada jira oo aan la kala reebeyn; mid k.: mid walba.
page : 31 of 73
<< < 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 > >>