Ereyga Maanta: qawadid
hanqaji  Qof u caga-jugleyn.
hanqajin  eeg hanqaji. ld hanqajis.
hanqajis  ld hanqajin.
hanqal  Qaarka sare ee dadka inta madaxa iyo caloosha u dhexeysa. ld hangal¹.
hanqalaal  Daloolka meesha sanka iyo afku isaga furanyihiin ku yaal.
hanqalooc1  1. Qaadidda qaarka sare kor loo qaado, iyadoo caloosha gadaal loo riixayo, meel hoosana la eegayo. 2. ld hanqalooqsasho. hanqalooc2  ld hanqaloocso. hanqaloocid  ld hanqaloocsasho.
hanqaloocsad  ld hanqaloocsasho.
hanqaloocsasho  eeg hanqaloocso. ld hanqalooc¹, hanqaloocid, hanqaloocsad, hanqaloocs.
hanqaloocsi  ld hanqaloocsasho.
hanqaloocso  Si wax meel hoose ku jira loo eego hanqal laalaadin.
hanqaltaag1  1. Si wax fog loo arko hanqalka oo kor loo taago. 2. Wax aan helitaankoodu sahlanayn oo la higsado. hanqaltaag2  U h.: Wax aan helitaankoodu sahlanayn higsasho. hanqaltaagid  eeg hanqaltaag².
hanqar1  1. Onkod, gugac. 2. Qarax, biriq. hanqar2  Cod weyn oo sida gugaca iwm oo kale ah bixin. hanqaraarac  ld hanga-raarac.
hanqaran1  ld hanqaarmid. hanqaran2  ld hanqaaran². hanqarid  eeg hanqar².
hanqarmid  ld hanqaarmid.
hanraar  ld harraan.
hansad  Dhul gariir iyo dabayl xooggan oo ka dhasha meel qarax weyn iwm ku dhacay.
hantaaq  meel cidla ah oo halis ah.
hantaaqayn  eeg hantaaqee. ld hataaqayn, hintaaqayn, nitaaqayn.
hantaaqee  1. Qof hantaarurrayn. 2. Wax dhibaato gaarsiin. ld hataaqee, hintaaqee, nitaaqee.
hantaaqo  1. Turaanturro. 2. Wax lagu turaanturroodo. 3. Dhibaato. ld hataaqo, hintaaqo, nitaaqo.
hantaaqoo  Hantaaqo la kulmid. ld hataaqoo, hintaaqoo, nitaaqoo.
hantaaqood  eeg hantaaqoo. ld hataaqood, hitaaqood, nitaaqood.
page : 32 of 93
<< < 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 > >>