baqtijiid (1) Qof saqajaan ah oo aan waxba ka xishoon. ld bakhtijiid¹.
baqtijiid (2) Qof si dhaqanka iyo anshaxa ka baxsan u dilid. ld bakhtijiid².
baqtijiidid eeg baqtijiid². ld bakhtijiidid, bakhtijiidis, baqtijiidis.
baqtijiidis ld bakhtijiidis.
baqtiquf (1) B. ah: qof aan ka xishoon in uu sheego waxyaabaha xun. ld bakhtiquf¹.
baqtiquf (2) Qof waxyaabo xun oo laga xishoodo sheegid. ld bakhtiquf².
baqtiqufid eeg baqtiquf². ld bakhtiqufid.
baqtiwareemid eeg baqtiwareen². ld bakhtiwareemid, baqtiwareen¹.
baqtiwareen (1) ld baqtiwareeid.
baqtiwareen (2) Baqtigowracid. ld bakhtiwareen².
baqtiyaanasiib Ciyaar dadka ka qeyb gala intooda nasiibka leh wax ka helaan. ld bakhtiyaanasiib.
baqtiyid eeg baqti². ld bakhtiyid.
bar (1) Wax laba meelood oo is le'eg loo qaybshay, meeshood; nus. Tus. “Lacagta bar i sii”.
bar (2) 1. Goobaabin yar oo meesha ku taal midab ka duwan leh. 2. B. xoolaad: xoolo yar.
bar (3) (daaw.) Bar lagu dhasho oo meel xaddidan ee maqaarka ah ku taal.
bar (4) 1. Cid, cilmi iyo wax uusan aqoon aqoonsi. 2. Wax laba meelood oo isla 'eg u qaybin. 3. Is b.: caadaysasho.
baraacuud Baro badan oo isugu jira midabbo kala duwan.
baraag ld berked.
baraakad ld baraako.
baraakin Nooc ka mid ah ruuxaanta dadka ku dhacdo.
baraako Guri ka sameysan alwaax dushana jiingad kaga dedan tahay. ld baraakad.
baraale B. leh: wax baro leh.
baraaley B. leh: wax baro leh (dheddig).
baraamitir (fiis.) Madoorsoome ama doorsoome kala saaraya xaalado gaar ahaaneed ee tibaax guud ee xisaabeed.
baraaq Fadhi caajisnimo ku jirto oo in muddo ah si macnala'aan ah meel loo fadhiyo.
baraar (1) 1. Naylo waaweyn oo aan dhibaato mudanayn haddii naaska hooyada ay waayaan. 2. Meesha markabka loogu xiro borosinka.
baraar (2) Neef lo'ah oo leh geeso labada dhinac u kala rogan; sheexo.
baraar (3) Barwaaqo, caafimaad iyo nabadgelyo ku noolaan.
baraaraysan Wax baraare ku jira ahaansho.
baraaraysnaan eeg baraaraysan. ld baraaraysnaansho.
<< < 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 > >>