farxanaansho ld farxanaan.
farxi Ka f.: cid farxad gelin.
farxid eeg farax². ld faarxid.
farxin eeg farxi.
farxumaan eeg farxun. ld farxumaansho.
farxumaansho ld farxumaan.
farxumi 1. Hab qoraal-gacmeed oo qof wax u qoro oo ay adagtahay si loo akhriyo. 2. Hab aan quruxsanayn oo qof u sameeyo farshaxan. ld farxumo.
farxumo ld farxumi.
farxun 1. Qof qoraal-gacmeedkiisa si loo akhriyo ay adagtahay ahaansho. 2. Qof farshaxannimadiisu aanay wanaagsanayn ahaansho.
faryaro Gacmaha iyo lugaha farahooda midda ugu yar.
fas 1. ld fad (3). Dhagxaanta qaaliga ah cad laga gooyo oo fargashiyada lagu dhejiyo si ay u yeeshaan qurux. 2. Waraaqaha turubka inta tobanle ka sarreysa. 3. Warqad turub oo aan la qaban karin.
fasaaxad Hadal kari ogaan; codkarnimo. ld fasaaxo.
fasaaxo ld fasaaxad.
fasahaad1 1. Dawga toosan oo laga leexdo. 2. Kibir. fasahaad2 1. Dawga toosan ka weecasho. 2. Kibrid. fasahaadi 1. Dawga toosan ka weecin. 2. Cid kibrin.
fasahaadid eeg fasahaad².
fasahaadin eeg fasahaadi. ld fasahaadis.
fasahaadis ld fasahaadin.
fasahaadsan Wax fasahaaday ahaansho.
fasahaadsanaan eeg fasahaadsan. ld fasahaadsanaansho.
fasahaadsanaansho ld fasahaadsanaan.
fasakh1 Furidda haweeney laga furo saygeeda isaga oo aan ogeyn ama ka raali ahayn. ld fasakhid. fasakh2 1. (f.g) Haweeney saygeeda oo aan ogeyn ama raali ka ahayn furid (qaalli). 2. (f.mg) Dhar iwm liinbixid. ld fasaq². fasakhan1 Wax liinbaxay noqosho (dhar iwm). ld fasaqan¹. fasakhan2 Wax la fasakhay ahaansho. ld fasaqan². fasakhasho eeg fasakho. ld fasaqasho.
fasakhid eeg fasakh². ld fasakh¹, fasaq¹, fasaqid.
fasakhmid eeg fasakhan¹. ld fasaqmid.
fasakhnaan eeg fasakhan². ld fasakhnaansho, fasaqnaan, fasaqnaan-sho.
page : 34 of 73
<< < 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 > >>