kaxarbe ld gaxarbe.
kaxayn eeg kaxee.
kaxaysad ld kaxaysasho.
kaxaysasho eeg kaxayso. ld ka-xaysad, kaxaysi.
kaxaysi ld kaxaysasho.
kaxayso Wax soconaya oo meel joogey wadasho.
kaxee Wax soconaya oo meel joogey ka wadid.
kay1 Magacuyaal layeele ee tilmaamaya qofka koobaad ee kelida ah. Tus. “Waa isku kay mid”. kay2 (kaayay, kayday; kaayi) ld kaay². . kay3 ld kayga². . kayaga ld kaayaga².
kayd Cunno, lacag iwm oo meel loo dhigto in waa dambe la cuno ama wax lagu qabsado.
kayd-ayoonayn (kiim.) Summad: IP. Taranta loo baahanyahay in lagaga qaado hal elektaroon atam (ama molikiyuul koox) markuu yahay wejiga neefta.
kayd-faraq (fiis.) Summad: V. Hawsha lagu qabtay dhaqaajinta saldanab laba barood oo mareeg danab ka mid ah dhexdooda. Halbeegga Caalamiga ee keyd faraqu waa foolt (V). V = W/Q.
kayd-haye Qof wax kayd ah haya.
kaydi Wax kayd ahaan meel u dhigid.
kaydin eeg kaydi.
kaydsad ld kaydsasho.
kaydsan Wax la kaydiyey ahaansho.
kaydsanaan eeg kaydsan. ld kaydsa-naansho.
kaydsanaansho ld kaydsanaan.
kaydsasho eeg kaydso. ld kaydsad, kaydsi.
kaydsi ld kaydsasho.
kaydso Cunno, lacag iwm meel dhigasho si aad mar kale u isticmaashid.
kayga1 (kuweyga, w) Magacuyaal lahaansho oo lab oo tilmaamaya wax anigu (qofka koowaad ee kelida ah ee hadlaha ah) aan leeyahay. Tus. “Midkan kayga ma ah”. . kayga2 Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax anigu (qofka koowaad ee kelida ah ee hadlaha ah) aan leeyahay. Tus. “Dalkaygu waa hodan”. ld kay³. kaykayle 1. Harag, dhar iwm adag oo qallafsan oo aan weli wax laga qaban. 2. K. ah: qof ama xoolo aan culays wadin oo dheeraynaya.
kaylakeen Qof ama dad meel dareen ka dhacay warkeeda keenid.
kayle God dheer oo wixii ku dhacaaysan ka bixi karin.
kaylli 1. Xannuun badan oo meel dhaawac ah haya. 2. (-iyo, mdh.) God dheer oo ugaarta lagu dabo. ld keylli.
page : 34 of 73
<< < 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 > >>