weynaansho eeg weynow. ld weynaan.
weynbaar Boorso haween oo harag la xardhay ka samaysan.
weyne Ilaah; Rabbi.
weynee 1. Wax, wax weyn ka dhigid. 2. Cid qiimo u yeelid. 3. Is w.: wax weyn iska dhigid (qof). 4. Iska w.: qof cid iska sarreysiin. ld weyneysii.
weyneyn1 eeg weynee. ld weyneys, weyneysiin. weyneyn2 (fiis.) Summad M. Cabbirka xaddiga uu qalab obtikaad kordhiyo ama yareeyo xajmiga huumaagga. Waana saamiga baaxadda huumaagga iyo baaxadda walaxda. weyneynsiin ld weyneyn¹.
weyneys ld weyneyn¹.
weyneysii ld weynee.
weyneysiin ld weyneyn.
weyneyso (fiis.) Qalab loogu talaggalay in uu weyneeyo hummagga walxo aad u sii yar.
weynin ld weynaan.
weynow 1. Nafley wax weyn noqosho. 2. La w.: wax weyn cid ugu muuqasho. 3. Isla w.: qab iyo kibir isu yeelid. 4. Iskala w.: qof cid iska sarreysiin.
weyrax1 1. Dagaalka xoolaha dhalay (lo') oo ay dagaallamaan kolkay ubadkooda u baqaan. 2. Caro; gedood. weyrax2 Neef xoolo ah oo dhalay markuu dhashiisa u baqo gadoodid. weyraxi Xoolo ama dad weyrax ka keenid.
weyraxid eeg weyrax².
weyraxin eeg weyraxi.
weyraxsan Dad ama xoolo wax weyraxay ahaansho.
weyraxsanaan eeg weyraxsan. ld wey-raxsanaansho.
weyraxsanaansho ld weyraxsanaan.
weysaalo W. ah: waxyaalo diricnimo muujiya oo qof sameeyo, wacdaro.
weysaqaadasho eeg weysaqaado.
weysaqaado Salaad ka hor weysaysasho.
weysaysasho eeg weysayso.
weysayso Cid weysa-qaadasho.
weysii ld waasii.
weysiin ld waasiin.
weyso ld weeso.
wicid eeg wac². ld wicitaan.
page : 36 of 40
<< < 31 32 33 34 35 36 37 38 39 40 >