asiidh
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-dyo, m.dh)
Macnaha:
- (kiim.) 1. Nooc iskudhis ah oo leh haydarojiin kuna kalafurma biyaha oona saara ayoonno togan oo haydarojiin ah. 2. Aragtida lowri-boronistidh ee asiidhada iyo beysyada (1923), waxay qeexiddaa hore u ballaadhisay, in asiidhu tahay borotoo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

